Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda F. Soomaaliya oo Cambaaraysay Carqaladaynta Amniga ee marin badeedka Badda Cas

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Dowladda F. Soomaaliya oo Cambaaraysay Carqaladaynta Amniga ee marin badeedka Badda Cas
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka arimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya      Md.Axmed Ciise Cawad oo ku guda jira Socdaalkiisii ugu horeeyay uu ku tago dalka dibaddiisa ayaa u sheegay  Midowga wakaaladaha wararka dowladaha ku midoobay ururka iskaashiga Islaamka UNA  in Dowladda Soomaaliya ay hadda gacanta ku hayso soo celinta iyo dhismaha ciidan badeed oo xoog leh oo uu dalku yeesho si ay uga qayb qaataan ilaalinta xeebaha iyo damaanad qaadka amniga Gacanka Cadmeed iyo Marinka muhiimka ah ee Baabul-Mandab.

Wasiir Cawad ayaa Cambaareeyay  weerarka Sawaariikhda  Balaastikada aee Maleeshiyaadka Xuutiyiinta yeman ay ku hayaan Xaramaynka Barakaysan, wuxuuna si adag wasiirku hoosta uga xariiqay in Soomaaliya ay dhinac taagan tahay xaqa Sucuudigu u leeyahay inuu kaga difaaco falkaasi Cadawnimada leh dhulkiisa iyo shacbigiisa weerarka Xuutiyiinta.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Dhinaca kale wasiirka arimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa la waydiiyay waxa ay dowladda Soomaaliya uga dhigan tahay wareejinta lagu wareejiyay Soomaaliya Xafiiskii ergada joogtada ah ee Soomaaliyeed ee xarunta ururka Iskaashiga Islaamka ee jiddah wuxuuna  xusay in arintani tahay arin wayn oo aad u qiimo badan,ayna calaamad u tahay in dowladda soomaaliya ay dalka ka gudbinayso Jahawareerkii iyo burburkii uu ku jiray sanado badan.

Md Axmed Ciise Cawad wuxuu intaasi raaciyay in soomaaliya ay si buuxda u barbar taagan tahay wadamada ku teedsan badda Cas oo Boqortooyada Sucuudiga hormoodka ka tahay sidii looga ilaalin lahaa amniga iyo badqabka marin badeedkan muhiimka ah handadaad kasta oo lagu carqaladeynayo xasilloonidiisa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad inta uu ku guda jiray Booqashadiisa dalka Sacuudiga waxa uu kulammo gaar gaar ah kula yeeshay Jeddah Wasiirada Arrimaha Dibadda Djibouti H.E. Mr. Mahmoud Ali Youssouf, Saudi Arabia H.E. Mr. Adel Al-Jubeir,  Maldives H.E. Dr. Mohamed Asim iyo Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Sudan H.E. Mr. Hamid Mohamed E. Momtaz.

Wasiirku waxa kale oo uu la kulmay Xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka Dr. Yousef bin Ahmad Al-Othaimeen iyo Guddoomiyaha Bankiga Horumarinta Islaamka Mr. Bandar Hajjar.

Kulamadaasi oo Wasiir Cawad kala hadlay mas’uuliyiintaasi danaha Soomaaliya iyo dhinacyadaasi ay wadaagaan ayaa muujiyay sida dalkiisu ugu diyaar yahay maalgeshi kadib hanaqaadkiisa siyaasadeed iyo midda ammaan.

 

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Magaalada Hobyo

Next Post

Ciidamada Nabad ilaalinta Q. M. oo loo fasaxay in ay is difaaci karaan

Next Post
Ciidamada Nabad ilaalinta Q. M. oo loo fasaxay in ay is difaaci karaan

Ciidamada Nabad ilaalinta Q. M. oo loo fasaxay in ay is difaaci karaan

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In