Wednesday, January 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Federaalka oo mashaariic horumaineed ka hirgelinaysa magaalada Baraawe

caqiil by caqiil
3 years ago
in Wararka
0
Dowladda Federaalka oo mashaariic horumaineed ka hirgelinaysa magaalada Baraawe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi ballaaran oo ay hoggaaminayaan Wasiirka waxbarashada XFS, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka deegaanka iyo is-beddelka Cimillada, Khadiija Maxamed Al-Maqsuumi, wasiirro iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka koofur galbeed ayaa gaaray magaalada Baraawe ee xarunta maamulka koofur galbeed.

Wafdiga ayaa markii ay halkaasi tageen waxa ay dhagax dhigeen waddada isku xirta Garoonka diyaaradaha iyo magaalada Baraawe iyo xarunta TB-da ee Isbitalka degmada, taasi oo ay baahi weyn u qabeen dadka ku dhaqan magaalada Baraawe.

Related posts

Ku-xigeenka Hantidhowrka Guud ee JFS oo ka warbixiyay kulanka isu-duwidda Hay’adaha Dowladda oo ka furmaya Muqdisho.

Ku-xigeenka Hantidhowrka Guud ee JFS oo ka warbixiyay kulanka isu-duwidda Hay’adaha Dowladda oo ka furmaya Muqdisho.

January 21, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo shacabka ugu hambalyeeyay maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shacabka ugu hambalyeeyay maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.

January 21, 2026

Guddoomiyaha degmada Baraawe, Dr; Liibaan Abuukar Cusmaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in socdaalka wafdiga uu ujeedkiisu ahaa dhagax dhigga xarunta TB-da ee daryeelka Caafimaadka asaasiga, taas oo muhiimad weyn u leh shacabka ku dhaqan Caasimadda dowlad goboleedka koofur galbeed.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellada hoose, Maxamed Ibraahim Barre ayaa Wasiirrada Dowladda Federaalka Soomaaliya uga mahad celiyay mashaariicdan horumarineed oo ay ka mid yihiin wadda xiriirisa Garoonka diyaaradaha iyo gudaha magaalada Baraawe oo uu dhererkeedu yahay 8-KM iyo xarunta TB-da ee Isbitaalka Magaalada.

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada XFS, Marwo, Khadiijo Maxamed Al-maqsuumi ayaa sheegtay in wasaaradeedu ay ka shaqayn doonto  sidii loo horumarin lahaa magaalada iyo bacaadka maalmihii ugu dambeeyay ku fidayay xaafadaha degmada.

Mashaariicda horumarineed ee laga hirgelinayo magaalada Baraawe ee Caasimadda maamulka koofur galbeed ayaa waxaa iska kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, maamulka koofur galbeed iyo Bankiga Adduunka.

.

Previous Post

Xoghayaha Guud ee NATO oo shaaciyay in Erdogan uu aqbalay ku biirtaanka Sweden ee  NATO

Next Post

Waa kuma horjoogaha Khawaarijtu ka argagaxday dilkiisa ee lagu khaarijiyay Welmarow

Next Post
Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku dilay Horjooge iyo maleeshiyaad katirsanaa Khawaarijta

Waa kuma horjoogaha Khawaarijtu ka argagaxday dilkiisa ee lagu khaarijiyay Welmarow

Ku-xigeenka Hantidhowrka Guud ee JFS oo ka warbixiyay kulanka isu-duwidda Hay’adaha Dowladda oo ka furmaya Muqdisho.

Ku-xigeenka Hantidhowrka Guud ee JFS oo ka warbixiyay kulanka isu-duwidda Hay’adaha Dowladda oo ka furmaya Muqdisho.

January 21, 2026
0

Ku-xigeenka Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mukhtaar Maxamed Abuukar, ayaa ka warbixiyay kulanka muhiimka ah ee isu-duwidda hay’adaha...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shacabka ugu hambalyeeyay maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shacabka ugu hambalyeeyay maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.

January 21, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa hambalyo diirran u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed,...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kormeeray xarunta shirkadda NMDC

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kormeeray xarunta shirkadda NMDC

January 20, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar Afrax, oo ay weheliyaan Agaasimayaal, khubaro...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa dalka Koonfur Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa dalka Koonfur Afrika

January 20, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Koonfur Afrika, Mudane Cyril Ramaphosa....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In