Wednesday, April 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kor u qaadeyso dadaallada lagu tallaalayo bulshada ee Caabuqa COVID-19

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo War-saxaafadeed ka soo saartay heshiis la sheegay in lala galay Shirkadda SKA
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Soomaaliya ayaa maanta ka heshay xarunta COVAX 302,400 oo ah tallaalka Johnson & Johnson (J&J), qabytii ugu horaysay. Tallaallaka J&J, oo ay ku deeqday Mareykanka, ayaa ah tallaaladii ugu horreeyay oo hal mar la qaato kaas oo soo garay Soomaaliya si loo ballaariyo daboolidda baahiyaha tallaalka COVID-19 ee dalka loona suurtogeliyo in dhamaan bulshadda Soomaaliyeed ay helaan Tallaal dhamaystiran.

“Xiligaan oo looga soo horjeedo sidii waqti yar loogu afjari laha masiibadaan waa in dadka la tallaalo, waxaa muhiim ah in inta ugu badan ee suurtogalka ah la heli karo la tallaallo dad badan” ayay tiri Wasiirka Caafimaadka ee Federaalka Soomaaliya, H.E. Dr. Fawziya Abiikar Nuur. “Anigoo u mahad celinaayo Dowladda Mareykanka,deeqdan dalkan ka timid waxay muhiim u tahay dagaalka aan kula jirno caabuqa COVID-19 waxaana ku boorinayaa qof kasta oo u qalma in la tallaalo. ”

Related posts

Markabka shidaal qodista Turkiga oo 10 April soo gaari doono Muqdisho 

Markabka shidaal qodista Turkiga oo 10 April soo gaari doono Muqdisho 

April 8, 2026
Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada KGS iyo Taliyeyaasha ciidaada qalabka sida

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada KGS iyo Taliyeyaasha ciidaada qalabka sida

April 7, 2026

Tan iyo bilowgii faafitaanka COVID-19, 16,103 xaaladood oo shaybaar la xaqiijiyay, oo ay ku jiraan 864 dhimasho, ayaa laga soo sheegey Soomaaliya. Qaadashada tallaalka COVID-19 ee dadweynaha guud ayaa weli hooseysa ilaa 11kii Ogosto 2021, 93,458 Soomaali ah oo keliya ayaa si buuxda looga tallaalay COVID-19.

“Tallaalladu waxay rajo u tahay inaan dib ugu laabano xaalad caadi ah iyo in ay tallaabo muhiim u tahay xakameynta iyo kahortagga masiibada COVID-19” ayay tiri Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho.

“Anigoo ku hadlaya magaca Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, waxaan jeclaan lahaa inaan u hambalyeeyo Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Wasiirka Caafimaadka, sida ay u gaareen heerkan kahortagga COVID-19 ee muhiimka ah oo ayna sii waddaan soo kabashada qoysaska iyo jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku aadan caabuqa COVID-19. ”

Tallaallaka J&J waxaa lagu kaydin karaa iyada oo la adeegsanayo qalabka kaydinta tallaalka ee caadiga ah,  taas oo awood u siineysa in la gaarsiiyo meelo fog-fog, halkaas oo dadka si buuxda loogu siin karo Tallaalka hal mar oo kaliya. Shaqaalaha safka hore, dadka la nool cudurada ama iyo dadka waa wayn ayaa weli la siinayaa mudnaanta tallaalka.

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, iyo Wasaaradaha dowlad-goboleedyada waxay ka shaqeyn doonaan iyagoo kaashanaya WHO iyo UNICEF in si siman loo qaybiyo tallaalada iyada oo la maareynayo nidaamyada silsiladda qabow; tababbarka tallaalayaasha si ay tallaallada ammaan ugu maamulaan; la socodka qaadashada tallaalka, gaar ahaan dadka u qalma iyo kuwa nugul; iyo dhiirri-gelinta qaadashada tallaalka iyo sii wadidda badbaadinta Bulshadda xaaladaha halista ah, ee caabuqa COVID-19.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Jaaliyadda Soomaaliyeed kula kulmay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Kenya “SAWIRRO”

Next Post

Federal Government of Somalia boosts efforts to vaccinate communities against COVID-19

Next Post
Dowladda Soomaaliya oo soo dhoweysay dadaalka lagu dhex dhexaadinayo Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Federal Government of Somalia boosts efforts to vaccinate communities against COVID-19

Markabka shidaal qodista Turkiga oo 10 April soo gaari doono Muqdisho 

Markabka shidaal qodista Turkiga oo 10 April soo gaari doono Muqdisho 

April 8, 2026
0

Waa waaber cusub oo u baryay Soomaaliya, iyadoo markabka qodista shidaalka ee Turkiga Çağrı Bey uu soo gaaray biyaha dalka,...

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada KGS iyo Taliyeyaasha ciidaada qalabka sida

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada KGS iyo Taliyeyaasha ciidaada qalabka sida

April 7, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Hoggaamiyaha Ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur...

Wasiir Jaamac oo ku guuleystay  kursiga Golaha Shacabka ee HOP#204

Wasiir Jaamac oo ku guuleystay kursiga Golaha Shacabka ee HOP#204

April 7, 2026
0

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac, ayaa ku guuleystay kursiga Golaha Shacabka ee HOP#204,...

Soomaaliya oo la wareegtay kursiga Golaha Nabadda ee Midowga Afrika

Soomaaliya oo la wareegtay kursiga Golaha Nabadda ee Midowga Afrika

April 7, 2026
0

Soomaaliya ayaa maanta, markii ugu horreysay taariikhda, la wareegtay kursiga Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika, tan iyo markii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In