Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kor u qaadeyso dadaallada lagu tallaalayo bulshada ee Caabuqa COVID-19

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo War-saxaafadeed ka soo saartay heshiis la sheegay in lala galay Shirkadda SKA
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Soomaaliya ayaa maanta ka heshay xarunta COVAX 302,400 oo ah tallaalka Johnson & Johnson (J&J), qabytii ugu horaysay. Tallaallaka J&J, oo ay ku deeqday Mareykanka, ayaa ah tallaaladii ugu horreeyay oo hal mar la qaato kaas oo soo garay Soomaaliya si loo ballaariyo daboolidda baahiyaha tallaalka COVID-19 ee dalka loona suurtogeliyo in dhamaan bulshadda Soomaaliyeed ay helaan Tallaal dhamaystiran.

“Xiligaan oo looga soo horjeedo sidii waqti yar loogu afjari laha masiibadaan waa in dadka la tallaalo, waxaa muhiim ah in inta ugu badan ee suurtogalka ah la heli karo la tallaallo dad badan” ayay tiri Wasiirka Caafimaadka ee Federaalka Soomaaliya, H.E. Dr. Fawziya Abiikar Nuur. “Anigoo u mahad celinaayo Dowladda Mareykanka,deeqdan dalkan ka timid waxay muhiim u tahay dagaalka aan kula jirno caabuqa COVID-19 waxaana ku boorinayaa qof kasta oo u qalma in la tallaalo. ”

Related posts

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026

Tan iyo bilowgii faafitaanka COVID-19, 16,103 xaaladood oo shaybaar la xaqiijiyay, oo ay ku jiraan 864 dhimasho, ayaa laga soo sheegey Soomaaliya. Qaadashada tallaalka COVID-19 ee dadweynaha guud ayaa weli hooseysa ilaa 11kii Ogosto 2021, 93,458 Soomaali ah oo keliya ayaa si buuxda looga tallaalay COVID-19.

“Tallaalladu waxay rajo u tahay inaan dib ugu laabano xaalad caadi ah iyo in ay tallaabo muhiim u tahay xakameynta iyo kahortagga masiibada COVID-19” ayay tiri Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho.

“Anigoo ku hadlaya magaca Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, waxaan jeclaan lahaa inaan u hambalyeeyo Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Wasiirka Caafimaadka, sida ay u gaareen heerkan kahortagga COVID-19 ee muhiimka ah oo ayna sii waddaan soo kabashada qoysaska iyo jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku aadan caabuqa COVID-19. ”

Tallaallaka J&J waxaa lagu kaydin karaa iyada oo la adeegsanayo qalabka kaydinta tallaalka ee caadiga ah,  taas oo awood u siineysa in la gaarsiiyo meelo fog-fog, halkaas oo dadka si buuxda loogu siin karo Tallaalka hal mar oo kaliya. Shaqaalaha safka hore, dadka la nool cudurada ama iyo dadka waa wayn ayaa weli la siinayaa mudnaanta tallaalka.

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, iyo Wasaaradaha dowlad-goboleedyada waxay ka shaqeyn doonaan iyagoo kaashanaya WHO iyo UNICEF in si siman loo qaybiyo tallaalada iyada oo la maareynayo nidaamyada silsiladda qabow; tababbarka tallaalayaasha si ay tallaallada ammaan ugu maamulaan; la socodka qaadashada tallaalka, gaar ahaan dadka u qalma iyo kuwa nugul; iyo dhiirri-gelinta qaadashada tallaalka iyo sii wadidda badbaadinta Bulshadda xaaladaha halista ah, ee caabuqa COVID-19.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Jaaliyadda Soomaaliyeed kula kulmay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Kenya “SAWIRRO”

Next Post

Federal Government of Somalia boosts efforts to vaccinate communities against COVID-19

Next Post
Dowladda Soomaaliya oo soo dhoweysay dadaalka lagu dhex dhexaadinayo Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Federal Government of Somalia boosts efforts to vaccinate communities against COVID-19

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa xiray Mahad Maxamuud Xamarow (Garyaqaan), kaas oo lagu eedeeyay kicin...

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Howlgalka Seefta Aamusan ayaa suurta geliyay in Khawaarijta Al-shabaab looga saaro deegaanno badan muhiin oo ka tirsan gobollada Dalka....

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In