Friday, July 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo toddobaadkan horkaceysa kulamo muhiim ah oo siyaasadda dalka lagu gorfeynayo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
January 10, 2016
in Wararka
0
Madaxweynaha “Baarlamanku waa inuu dedejiyaa meel marinta sharciyada muhiimka u ah waddanka”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 10 January 2016: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa toddobaadkan horkici doonta kulamo iyo shirar muhiim u ah baahinta xukunka, dib u heshiisiinta iyo Hiigsiga 2016.

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqey in toddobaadkan uu dhacayo shirkii wadatashiga ee lagu ballansanaa inuu Kismaayo ka dhaco, dhanka kalena uu furmayo shirka maamul u sameynta gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

July 10, 2025
Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

July 10, 2025

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa maanta ka dhacaya kulamo hordhac ah oo uu horkacayo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, waxaana ka soo qeybgalaya Madaxweyneyaasha maamullada Jubba, Axmed Maxamed Islaam, Galmudug, Cabdikariim Xuseen Guuleed, Puntland, Cabdiweli Maxamed Gaas iyo Koonfuur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Kulamadan hordhaca ah ayaa waxaa diiradda lagu saari doona xiriirka ka dhexeeya maamullada, xalinta wixii tabashooyin ah oo jira, dhameystirka heshiiskii lagu soo afjarey colaaddii Gaalkacyo iyo u diyaar garowga kulanka sare ee wadatashiga ee lagu go’aamin doono nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa sannadkan 2016-ka.

 

Previous Post

Wasiir Diini “Argagixisadu waa khatar u baahan Iskaashi Caalami in looga hortago”.

Next Post

Ururka iskaashatooyinka Soomaaliyeed oo hirgeliyay isbitaal cusub “SAWIRRO”

Next Post
Ururka iskaashatooyinka Soomaaliyeed oo hirgeliyay isbitaal cusub “SAWIRRO”

Ururka iskaashatooyinka Soomaaliyeed oo hirgeliyay isbitaal cusub "SAWIRRO"

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

July 10, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa maanta la kulmay Safiirka dowladda Turkiga Soomaaliya u jooga Mudane Alper...

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

July 10, 2025
0

Maxamed Xuseen Maxamed, oo ka mid ahaa maleeshiyaadka arxanka daran ee Khawaarijta, ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidamada Guutada 23-aad...

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ka warbixisay qasaaraha fatahaadaha

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka hadlay abaarta ka jirta Gobalka Awdal

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle “Xaalada abaarta gobolka Awdal si gaar ah ayaa ula socnay, waxaana ka dowlad...

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In