Wednesday, October 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Imaaraadka Oo tageertay madax bannaanida dhuleed ee Soomaaliya

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
UAE supports Somalia’s territorial integrity in face of Ethiopia’s interference
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Imaaraadka Carabta Khalifa Shaheen Almarar, ayaa ka qeyb galay kulan aan caadi ahayn oo maalinimadii shalay u qabsoomay Golaha Wasiirada ee Jaamacadda Carabta .

Kulankaan oo ahaa mid muuqaal ah, ayaa daba socda codsi ka yimid Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,waxaana lagu falanqeynayay waxyaabihii u dambeeyay ee ku soo kordhay xidhiidhka Soomaaliya iyo Itoobiya, iyo saamayntii ka dhalatay heshiiskii is-afgarad ee dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Intii uu socday kulanka, wasiiru dowlaha, ayaa caddeeyey in ay taageersan yihiin madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, isagoo ku celceliyey in ay garabtaagan yihiin dowladda Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Imaaraadka Carabta Khalifa Shaheen Almarar oo sii wata hadaladiisa ayaa tilmaamay in dalalka Carabtu ay isku raacsan yihiin gacansiinta dowladda Soomaaliya iyo wax kasta oo ay u arkaan in ay lagama maarmaan u yihiin  arrimaha Soomaaliya.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Dalka Imaaraadka Carabta ayaa hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in la sameeyo dadaal iyo waxqabad ku aadan horumarinta amniga iyo deganaanta geeska Afrika iyo  sidoo kale dajinta xiisadda iyo raadinta wadahadal diblomaasiyadeed.

Gabagabadii kulanka ayaa laga soo saaray go’aan lagu taageerayo Soomaaliya.

Previous Post

UAE supports Somalia’s territorial integrity in face of Ethiopia’s interference

Next Post

Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay dhismaha Hirgelinta Biya-Mareenka Garoonka Aadan Cade

Next Post
Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay dhismaha Hirgelinta Biya-Mareenka Garoonka Aadan Cade

Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay dhismaha Hirgelinta Biya-Mareenka Garoonka Aadan Cade

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In