Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda iyo AFRICOM oo Beeniyay in shacab ku dhinteen duqeyn lala beegsaday Argagaxisada

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
6 years ago
in Wararka
0
Al-Shabaab Degraded by U.S., Federal Government of Somalia
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka Mareykanka ee AFRICOM way ka war hayaan sheegashada saxaafadda qaar oo taageero u ah Alshabaab ee ku andacoonaya in shacab wax ku noqdeen weerarkii cirka ahaa ee lala beegsaday Alshabaab meel u dhaw Jammaame 10kii Abriil, 2020.

Eedaymahaasi waa been aan waxba ka jirin oo la nooc ah kuwa ay fidiyaan xagjirka Alshabaab. Xubnaha Alshabaab ee lala beegsaday duqeynta ayaa ahaa isla kuwii daqiiqado ka hor la arkayey iyaga oo foolxumeynaya meeydadka askar ka tirsan Xoogga Dalka oo ay Alshabaab ku dileen halkaa. Waxa dambiga Alshabaab galeen kasii dhigaya mid weyn ayaa ah in ay ku qasbeen dadka tuulada Koban in ay daawadaan sida fool-xumada leh ee meydka loo galayey. Kolkii ay dhameysteen Alshabaab falkaasi foosha xun ee ay ka baxeen tuulada ayaa weerar cirka ah lala beegsaday maadaama ay ka fogaadeen dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Weerarkan isaga ah ayaa wuxuu caddeyn u yahay saaxiibtinimda qotodadheer ee ka dhaxeysa Dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo Dowladda Mareykanka iyo sida ay xil-weyn isaga saarayaan ilaalinta waxyeelo soo gaadha nolosha dadka rayidka ee halkaa ku sugan.

Ilaalinta nolosha dadka rayidka oo ay ku dadaalayaan Dowladda Soomaaliyeed iyo Dowladda Mareykanka ayaa aad uga duwan Kooxda Alshabaab oo lagu baabi’yey goobo dagaal, sida tii looga xoreystay Jannaale bishii Maarso. Alshabaab kolkii ay soo wajahday guuldarrooyin isdabajoog ah ayay ka badanwaayeen cadow-tinimo ay kula kacaan shacabka iyo borobagaando been ah oo ay ku qarinayaan guuldarrooyinkooda.

Alshbaab, waa in ay mid ogaadaan, falalka dambiga ah ee ay ku kacayaan ee ay meydadka ku foolxumeynayaan in ay kala kulmi doonaan cawaaqibxumo iyo in caddaalada ay marsiiyeen ciidanka Xoogga Dalka ee awoodiisa sii kordhaysa oo ay la jiraan bahwadaagtooda.”

Previous Post

Howlgal Miino Baaris ah oo Ciidanka ka sameeyeen inta Waddada isku xirta Marka iyo Janaale

Next Post

Maamulka Warsheekh oo Joojiyay Dalxiiskii lagu tagi jirey Degmadaas

Next Post
Maamulka Warsheekh oo Joojiyay Dalxiiskii lagu tagi jirey Degmadaas

Maamulka Warsheekh oo Joojiyay Dalxiiskii lagu tagi jirey Degmadaas

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In