Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda iyo AFRICOM oo Beeniyay in shacab ku dhinteen duqeyn lala beegsaday Argagaxisada

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
April 16, 2020
in Wararka
0
Al-Shabaab Degraded by U.S., Federal Government of Somalia
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka Mareykanka ee AFRICOM way ka war hayaan sheegashada saxaafadda qaar oo taageero u ah Alshabaab ee ku andacoonaya in shacab wax ku noqdeen weerarkii cirka ahaa ee lala beegsaday Alshabaab meel u dhaw Jammaame 10kii Abriil, 2020.

Eedaymahaasi waa been aan waxba ka jirin oo la nooc ah kuwa ay fidiyaan xagjirka Alshabaab. Xubnaha Alshabaab ee lala beegsaday duqeynta ayaa ahaa isla kuwii daqiiqado ka hor la arkayey iyaga oo foolxumeynaya meeydadka askar ka tirsan Xoogga Dalka oo ay Alshabaab ku dileen halkaa. Waxa dambiga Alshabaab galeen kasii dhigaya mid weyn ayaa ah in ay ku qasbeen dadka tuulada Koban in ay daawadaan sida fool-xumada leh ee meydka loo galayey. Kolkii ay dhameysteen Alshabaab falkaasi foosha xun ee ay ka baxeen tuulada ayaa weerar cirka ah lala beegsaday maadaama ay ka fogaadeen dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Weerarkan isaga ah ayaa wuxuu caddeyn u yahay saaxiibtinimda qotodadheer ee ka dhaxeysa Dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo Dowladda Mareykanka iyo sida ay xil-weyn isaga saarayaan ilaalinta waxyeelo soo gaadha nolosha dadka rayidka ee halkaa ku sugan.

Ilaalinta nolosha dadka rayidka oo ay ku dadaalayaan Dowladda Soomaaliyeed iyo Dowladda Mareykanka ayaa aad uga duwan Kooxda Alshabaab oo lagu baabi’yey goobo dagaal, sida tii looga xoreystay Jannaale bishii Maarso. Alshabaab kolkii ay soo wajahday guuldarrooyin isdabajoog ah ayay ka badanwaayeen cadow-tinimo ay kula kacaan shacabka iyo borobagaando been ah oo ay ku qarinayaan guuldarrooyinkooda.

Alshbaab, waa in ay mid ogaadaan, falalka dambiga ah ee ay ku kacayaan ee ay meydadka ku foolxumeynayaan in ay kala kulmi doonaan cawaaqibxumo iyo in caddaalada ay marsiiyeen ciidanka Xoogga Dalka ee awoodiisa sii kordhaysa oo ay la jiraan bahwadaagtooda.”

Previous Post

Howlgal Miino Baaris ah oo Ciidanka ka sameeyeen inta Waddada isku xirta Marka iyo Janaale

Next Post

Maamulka Warsheekh oo Joojiyay Dalxiiskii lagu tagi jirey Degmadaas

Next Post
Maamulka Warsheekh oo Joojiyay Dalxiiskii lagu tagi jirey Degmadaas

Maamulka Warsheekh oo Joojiyay Dalxiiskii lagu tagi jirey Degmadaas

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In