Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda iyo Ahlusunna oo heshiis KMG ah ku kala saxiixday Guriceel “Akhriso+Dhageyso Qodobada”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Duqii degmada Afgooye oo Miino loo aasay u geeriyooday
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud oo maalmihii la soo dhaafay uu ku sugnaa wasiirka Gaashaandhigga Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini oo waday dadaal ku saabsan sidii muwaafaqo looga gaari lahaa dagaalladii dhawaan ka dhacay halkaasi, ayaa wadahadal kadib maanta la kala saxiixday heshiis KMG ah oo lagu soo afjarayo colaaddaasi.

Qodobada heshiiska ay kala saxiixdeen Alsunna iyo dowladda federaalka ah ayaa ka kooban Shan qodob, oo kal ah.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

1-Xabbad joojin rasmi ah,

2- in la kala qaado ciidamada muddo Afar maalin godohood ah.

3-in la furo wadahadal muddo toban maalin gudahood ah oo ka billaabaneysa 5-03-2015, si xal rasmi ah loo gaaro.

4- in labada ciidan ay ku kala ekaadaan Guriceel iyo Dhuusamareeb ayna joojiyaan gurmad ciidan, halkaasina waxaa ku cad in ciidamada dowladda ee ku sugan dugsiga tababarka Harqaboobe ee Guriceel la geyndoono Dhuusamareeb.

5- in dadkii ka barakacay magaalada dib loogu soo celiya guryahooda.

Heshiiskan waxaa u saxiixay dhinaca dowladda wasiirka Gaashindhigga Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini, halka Ahlusunna uu u saxiixay Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ah ku simaha gudoomiyaha golaha fulinta Ahlusunna Sheekh C/risaaq Maxamed Cali Mire.

Goobta lagu saxiixayay heshiiskaasi  waxaa goob joog ka ahaa odayaal dhaqameedyo, duubab iyo shaqsiyaad kale oo uu ka mid ahaa Jen. Maxamed Nuur Galaal.

Halkan hoose ka dhageyso qodobada heshiiska

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2015/03/Cismaan-M-Adan.mp3

Previous Post

Xadgudubyada ka dhanka ah dumarka oo laga hadlay

Next Post

Gudoomiyaha Gobolka Sh/Dhexe oo maanta kormeeray mashaariic laga hirgelinayo Jowhar “Sawirro”

Next Post
Gudoomiyaha Gobolka Sh/Dhexe oo maanta kormeeray mashaariic laga hirgelinayo Jowhar “Sawirro”

Gudoomiyaha Gobolka Sh/Dhexe oo maanta kormeeray mashaariic laga hirgelinayo Jowhar "Sawirro"

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In