Dowladda Japan ayaa 37 Milyan oo Doolar ugu deeqday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyadoo sheegtay iney sii kordhineyso taageerada Soomaaliya.
Ra’iisal wasaaraha Japan, Mr Kawai Katsuyuki ayaa deeqda uga dhawaaqay kulan ay dalka Itoobiya ku yeesheen isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheeekh Maxamuud.
Dowladda Japan ayaa deeqda ugu talagashay in wax looga qabto arrimaha amniga, dib u dhiska iyo horumarinta.
Ra’iisal wasaaraha Japan, Mr. Kawai Katsuyuki ayaa goobta uu deeqda uga yaboohay ka sheegay in dalkiisu gacan joogto ah siinayo Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mahad celiyay Taageerada Japan ay siiyo Soomaaliya.
Dowladda Japan ayaa gacan joogto ah ka geysata dadaallada ay dowladda Soomaaliya ku doonayso inay ku xaqiijiso amniga iyo dib u dhiskeeda.