Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Kenya oo adkeysay ammaanka dalkeeda

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Dowladda Kenya oo adkeysay ammaanka dalkeeda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maamulayaasha duulimaadyada rayidka ee Kenya ayaa sheegay in hawada la xirayo muddo 50-daqiiqo maalinta jimcaha marka uu ka soo degayo garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta Air Port, sidoo kale maalinta axada ayaa iyana hawada la xirayaa muddo 40 daqiiqo marka uu Obama u baqoolayo dalka deriska la ah ee Itoobiya.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday inay xireyso hawadeeda booqashada Madaxweynaha Mareykanka uu ku imaanayo dalkaas maalinta jimcaha ee soo socota.

Hawada ayaa la xiri doonaa muddo 72-saac ka hor imaanshaha Madaxweyne Obama, iyadoo la mamnuucay in aysan wax diyaarad ah ka soo degi karin garoomada diyaaradaha Joma Kenyatta iyo Wilson.

Shirkadaha duulimaadyada ayaa lagu wargeliyay xiritaanka hawada mudada saacadaha ku dhow ee ah marka uu imaanayo Obama iyo marka uu aadayo Addis Ababa

Waxaa la ganaaxi doonaa diyaaradii ku duusha wax ka yar 20,000 inta uu Nairobi ku sugan yahay Madaxweyne Obama mudada saddexda maalmood.

Sidoo kale waxaa la mamnuucay in diyaaradaha yar yar inay ka soo degaan garoomada diyaaradaha mudada uu joogo Obama.

Booliska Kenya ayaa soo saaray wargelin ku aadan in wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Nairobi inay xirnaan doono maalinta jimcaha illaa Axada.

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama oo aabihii uu ka soo jeedo Kenya ayaa ka qeyb geli doona shir looga hadlayo Ganacsiga oo ka dhici doona magaalada Nairobi.

Waxaa uu booqan doonaa meelo ka mid ah kenya, sida deegaankii uu ku dhashay aabihii, waxaa booqashadiisa ku wehliya qoyskiisa.

Diyaarado kuwa qumaatiga u kaca iyo ciidamo gaar ah ayaa ka qeyb qaadan doona sugida amnigiisa inta uu joogo dalka Kenya.

Previous Post

Jeneraal Dhuumaal oo sheegay in ciidamadu ay baaritaanno ka wadaan magaalada Baardheere

Next Post

Qaban qaabada soo dhaweynta madaxweyha J. F. S. oo ka socota Cadaado

Next Post
Qaban qaabada soo dhaweynta madaxweyha J. F. S. oo ka socota Cadaado

Qaban qaabada soo dhaweynta madaxweyha J. F. S. oo ka socota Cadaado

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In