Saturday, October 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Kenya oo adkeysay ammaanka dalkeeda

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Dowladda Kenya oo adkeysay ammaanka dalkeeda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Maamulayaasha duulimaadyada rayidka ee Kenya ayaa sheegay in hawada la xirayo muddo 50-daqiiqo maalinta jimcaha marka uu ka soo degayo garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta Air Port, sidoo kale maalinta axada ayaa iyana hawada la xirayaa muddo 40 daqiiqo marka uu Obama u baqoolayo dalka deriska la ah ee Itoobiya.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday inay xireyso hawadeeda booqashada Madaxweynaha Mareykanka uu ku imaanayo dalkaas maalinta jimcaha ee soo socota.

Hawada ayaa la xiri doonaa muddo 72-saac ka hor imaanshaha Madaxweyne Obama, iyadoo la mamnuucay in aysan wax diyaarad ah ka soo degi karin garoomada diyaaradaha Joma Kenyatta iyo Wilson.

Shirkadaha duulimaadyada ayaa lagu wargeliyay xiritaanka hawada mudada saacadaha ku dhow ee ah marka uu imaanayo Obama iyo marka uu aadayo Addis Ababa

Waxaa la ganaaxi doonaa diyaaradii ku duusha wax ka yar 20,000 inta uu Nairobi ku sugan yahay Madaxweyne Obama mudada saddexda maalmood.

Sidoo kale waxaa la mamnuucay in diyaaradaha yar yar inay ka soo degaan garoomada diyaaradaha mudada uu joogo Obama.

Booliska Kenya ayaa soo saaray wargelin ku aadan in wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Nairobi inay xirnaan doono maalinta jimcaha illaa Axada.

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama oo aabihii uu ka soo jeedo Kenya ayaa ka qeyb geli doona shir looga hadlayo Ganacsiga oo ka dhici doona magaalada Nairobi.

Waxaa uu booqan doonaa meelo ka mid ah kenya, sida deegaankii uu ku dhashay aabihii, waxaa booqashadiisa ku wehliya qoyskiisa.

Diyaarado kuwa qumaatiga u kaca iyo ciidamo gaar ah ayaa ka qeyb qaadan doona sugida amnigiisa inta uu joogo dalka Kenya.

 

Previous Post

Jeneraal Dhuumaal oo sheegay in ciidamadu ay baaritaanno ka wadaan magaalada Baardheere

Next Post

Qaban qaabada soo dhaweynta madaxweyha J. F. S. oo ka socota Cadaado

Next Post
Qaban qaabada soo dhaweynta madaxweyha J. F. S. oo ka socota Cadaado

Qaban qaabada soo dhaweynta madaxweyha J. F. S. oo ka socota Cadaado

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In