Thursday, July 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Jeneraal Dhuumaal oo sheegay in ciidamadu ay baaritaanno ka wadaan magaalada Baardheere

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
July 23, 2015
in Wararka
0
Jeneraal Dhuumaal oo sheegay in ciidamadu ay baaritaanno ka wadaan magaalada Baardheere
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyihii hore ee Ciidamada XDS  Jeneraal Yuusuf Xuseen “Dhuumaal” kana mid ah Saraakiisha Ciidamada  oo isaga oo ku sugan Magaalada Dooloow, la hadlay Radio Muqdisho ayaa tilmaamay ahmiyada ay leedahay in Dowladda ay dib uga qabsato Maleeshiyada Al Shabaab degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Jenaraal  Yuusuf Xuseen Dhuumaal ayaa sheegay in dowladda iyo Maamulka Jubba ay  labadaba ahmiyad u leedahay Baardheere oo uu sheegay in ay muhiim u tahay in sidoo kale maleeshiyaadka laga saaro gobolada Jubbada dhexe oo xuduud dhow la leh Baardheere.

Related posts

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo ka qeyb-galay daah-furka Istaraatiijiyadda Dhallinyarada Carbeed

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo ka qeyb-galay daah-furka Istaraatiijiyadda Dhallinyarada Carbeed

July 10, 2025
Wasiirka Shaqada XFS oo kulan la qaatay dhiggiiga dalka Itoobiya

Wasiirka Shaqada XFS oo kulan la qaatay dhiggiiga dalka Itoobiya

July 10, 2025

Ciidamada XDS iyo kuwa AMISOM ayaa fashiliyay isku day Kooxda Shabaab ay ku dooneysay in Qaraxyo ay uga hortagto howlgallada ciidanka XDS.

Dhuumaal oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada  ayaa sheegay in Magaalada Baardheere ay hadda baaris ka wadaan Ciidamada, si looga fiirsado falal ammni xuma oo ka imaan kara maleeshiyada Al Shabaab, isaga oo sheegay in qorshahaan ka xiga uu yahay in gacanta lagu dhigo Jubada dhexe.

Ciidamada xoogga dalka ayaa shalay la wareegay Magaalada Baardheere, kadib markii ay halkaasi  ka saareen maleeshiyada Al Shabaab, Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in sanadkaan gudihiisa lagu qabanayo deegaanada ka maqan gacanta Dowladda.

Previous Post

Dowladda Federaalka oo soo dhaweeysay guulaha ay ciidamadu ka gaareen howlgallada ka dhanka ah UGUS

Next Post

Dowladda Kenya oo adkeysay ammaanka dalkeeda

Next Post
Dowladda Kenya oo adkeysay ammaanka dalkeeda

Dowladda Kenya oo adkeysay ammaanka dalkeeda

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo ka qeyb-galay daah-furka Istaraatiijiyadda Dhallinyarada Carbeed

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo ka qeyb-galay daah-furka Istaraatiijiyadda Dhallinyarada Carbeed

July 10, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Cammaan...

Wasiirka Shaqada XFS oo kulan la qaatay dhiggiiga dalka Itoobiya

Wasiirka Shaqada XFS oo kulan la qaatay dhiggiiga dalka Itoobiya

July 10, 2025
0

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan, ayaa kulan la qaatay Wasiirka Shaqada...

Senator Xasan Iidow oo ku guuleystay abaalmarin caalami ah

Senator Xasan Iidow oo ku guuleystay abaalmarin caalami ah

July 9, 2025
0

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa lagu qabtay munaasabad heer caalami ah oo lagu guddoonsiiyay Senator Xasan Iidow Muxumed (Kobac)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira-dhal ah la qaatay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira-dhal ah la qaatay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 9, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ee Soomaaliya (SoDMA) mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta kulan miro-dhal ah la qaatay Safiirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In