Monday, March 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Masar oo sheegtay in ay Dugsiyo lacag la’aan ah ka hirgelineyso Soomaaliya.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Dowladda Masar oo sheegtay in ay Dugsiyo lacag la’aan ah ka hirgelineyso Soomaaliya.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Masar ayaa si loo horumariyo waxbarashada carruurta Soomaaliyeed waxa ay sheegtay in ay Muqdisho  ka hirgelin doonto Iskuulaad Waxbarasho oo lacag la’aan ah, kuwaasoo isugu jira Hoose iyo dhexe kaddib kulan Qunsulka Safaaradda Masar ee Soomaaliya uu Magaalada Muqdisho kula qaatay Macallimiin Masaari ah oo loogu tala galay in Iskuulaadkasi ay Masar ka hir gelineyso Magaalada Muqdisho isla markaasna ay iyagu maamulayaan, macallimiinta wax ka dhigeysana iyaga yihiin.

Soddon sano kaddib ayay Dowladda Masar dib u billaabeysaa Iskuuladii Waxbarasho oo ay kaga qeyb qaadaneysay horumarinta waxbarashada Soomaaliya,waxaana iskuulaadkaan maaddooyinka lagu dhigayo ay ku saleysanaan doonaan  Manhajka Waxbarasho  ee Dalka Masar, marka laga reebo maadooyinka Taariikhda iyo Juquraafiga oo Soomaaliya lagu saleyn doono si ay ardayda wax badan uga ogaadaan Taariikhda dalkooda.

Related posts

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

March 29, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

March 29, 2026

Qunsulka ayaa sheegay in inta dowlada Masar ay ka hir gelineyso iskuulaadkaasi si KMG ah loogu shaqeyn doono iskuulada kala ah 15-ka May iyo Sheekh Xasan Barsame.

Qunsulka Safaaradda Masar ee Soomaaliya Taamir Safwat oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa u mahad celiyay Macallimiintan Masaarida ah kuwaasoo Soomaaliya u yimid in ay wax baraan caruurta Soomaaliyeed.

Dalalka Soomaaliya iyo Masar ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir dhinacyo badan leh oo ay ka mid yihiin Ganacsiga iyo waxbarashada, waxaana sidoo kale  dalkeeda  ku sugan Arday soomaaliyeed oo halkaasi wax ka barta kuwaasoo qaarkood Deeq Waxbarasho ka helay dalkaasi..

Previous Post

Magaalada Garowe oo maanta saddex kursi loo tartamay

Next Post

Jubbaland oo hal kursi dib loo dhigay berri Doorashooyinka Aqalka Hoose

Next Post
DAAWO SAWIRRADA:- Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka Ee Baydhabo Ka Bilaabatay

Jubbaland oo hal kursi dib loo dhigay berri Doorashooyinka Aqalka Hoose

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

March 29, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta heshiis Is-afgarad la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

March 29, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan mira dhal ah la...

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka furtay kulan Hawleed ku saabsan sare u qaadista Hoggaaminta Haweenka

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka furtay kulan Hawleed ku saabsan sare u qaadista Hoggaaminta Haweenka

March 29, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furtay kulan hawleed...

SOMALI NATIONAL FORCES CONDUCT MILITARY OPERATION AGAINST KHARIJITES AL SHABAB IN DAYNUNAY

SOMALI NATIONAL FORCES CONDUCT MILITARY OPERATION AGAINST KHARIJITES AL SHABAB IN DAYNUNAY

March 29, 2026
0

Somali National Security Forces, conducting operations against Kharijites militants, successfully cleared roadblocks set up by the terrorists in Daynunay area...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In