Wednesday, August 17, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda oo cambaareysay qaraxii Kismaayo

August 22, 2015
in Wararka, Xulashada
0
Dowladda oo cambaareysay qaraxii Kismaayo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Xukuumadda Soomaaliya ayaa  si xooggan u cambaareysay weerarkii  argagixisonimo ee saaka ka dhacay magaalada Kismayo, kaas oo  ay ku dhinteen askar iyo dad rayid ah.

Related posts

Soomaaliya oo guddoomindoonta Wakaaladda CDC ee Bariga Afrika

Soomaaliya oo guddoomindoonta Wakaaladda CDC ee Bariga Afrika

August 17, 2022
Wasiirka Qorsheynta Qaranka oo kormeeray shaqooyinka wasaaradda

Wasiirka Qorsheynta Qaranka oo kormeeray shaqooyinka wasaaradda

August 17, 2022

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa yiri “ Weerarka argagixisonimo waxa uu saaka ka dhacay goob ay askari tababar ku qaadanayeen oo ku taalla Kismaayo, waxaana fuliyay qof nafti hallige ah oo argagixisada Shabaab ka tirsan”

Qaraxa oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay,waxa uu sababay dhimashada dhowr askari iyo dad rayid ah oo goobta ka dhowaa. Wasiir Maareeye, ayaa tacsi u diray eheladii  dadkii ku ku geeryooday  weerarkan argagixiso, waxa uuna caafimaad deg deg ah u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay.

“Waa Fal kale oo kooxda argagixisada ah ee laga itaalka roonaaday ku dooneyso in ay ku muujiso jiritaankeeda, laakiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeedba waxaa ka go’an in ay sii wadaan la dagaallanka argagixisada Alshabaab, ilaa laga sifeeyo geyiga Soomaaliya iyo gobolkaba” Sidaas waxaa yiri Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Daxiiska Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Wasiirka ayaa intaa ku daray  “Weerarka kooxdu ku qaadday  xaruntan askarta lagu tababaro waxa ay uga gol leedahay in ay wiiqdo  dadaallada lagu dhisayo ciidan qaran oo xoog leh, balse taasi uma suurto geli doonto,dowladda iyo maamullada gobollada oo isku duubanna waxay sii wadi doonaan  dadaallada dhismaha iyo isku dhafka ciidammo qaran, oo awood u leh in ay dalka ka difaacaan cadow kasta oo ay argagixisadu ugu horreyso”

Previous Post

Faah faahin dheeri ah oo ka soo baxaysa qarax ka dhacay Kismaayo

Next Post

Hay’adda Wadahadalka bulshada oo deeq Dhar ah u qaybisay Carruur lagu xanaaneynayo Muqdisho

Next Post
Hay’adda Wadahadalka bulshada oo deeq  Dhar ah u qaybisay Carruur lagu xanaaneynayo Muqdisho

Hay'adda Wadahadalka bulshada oo deeq Dhar ah u qaybisay Carruur lagu xanaaneynayo Muqdisho

Soomaaliya oo guddoomindoonta Wakaaladda CDC ee Bariga Afrika

Soomaaliya oo guddoomindoonta Wakaaladda CDC ee Bariga Afrika

August 17, 2022
0

Wafdi uu hogaaminaayo Wasiir-kuxigeenka Wasaaraadda Caafimaadka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb galay shir ay soo qabanqaabisay Wakaaladda CDC...

Wasiirka Qorsheynta Qaranka oo kormeeray shaqooyinka wasaaradda

Wasiirka Qorsheynta Qaranka oo kormeeray shaqooyinka wasaaradda

August 17, 2022
0

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Qaranka, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Beena-beena oo ay weheliyaan Wasiiru dowlaha Mudane Cabdirashiid Jire, Wasiir ku xigeenka Maxamed...

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada oo kormeeray waaxyaha Wasaaradda “SAWIRRO”

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada oo kormeeray waaxyaha Wasaaradda “SAWIRRO”

August 17, 2022
0

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa maanta kormeeray waaxyaha iyo qaybaha xarunta Wasaaradda...

Wasiiru Dowlaha W/Arrimaha Gudaha oo kulan la yeeshay agaasimeyaasha wasaaradda

Wasiiru Dowlaha W/Arrimaha Gudaha oo kulan la yeeshay agaasimeyaasha wasaaradda

August 17, 2022
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Mudane.Ilyaas Cali Xassan oo wehlinayay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In