Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Oo Deeq Dawo ah Gaarsiisay Magaalada Baladweyne

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Odayaal dhaqameed xabad joojin kala dhex dhigay maleehiyaad ku dagaallamay Beladweyne
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Deeq Dawo ah oo ka socota dowladda Soomaaliya, ayaa maanta la gaarsiiyay magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, halkaas oo maalmihii u dambeeyay ay dad ugu geeriyoodeen xanuunka shuban biyoodka ee ku faafay magaalada oo dhan.

Deeqda Dawada ah ayaa maanta waxaa Maamulka Cisbitaalka Magaalada ku wareejiyay Wasiirada Caafimaadka iyo Amniga Xukuumadda Soomaaliya.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdirasaaq Cumar Maxamed ayaa ku boorriyay Qeybaha bulshada in ay ku dadaasho nadaafadda lana qaato talooyinka caafimaadka si looga fogaado waxyeello ka dhalata cudurada sidan oo kale faafa.

“Ka hortagga ayaa ka wanaagsan ka dabatagga, sidaas darted bulshada waxaa la gudboon in ay nadaafadda ku dadaasho lana qaato talooyinka qeybaha caafimaadka si qatartaan looga fogaado”ayuu yiri Wasiir C.rasaaq.

Wasiirka Caafimaadka Mudane Maxamed Cabdinuur, oo deeqda dawada ah ku wareejinaya maamulaha Cisbitaalka guud ee magaalada B/weyne ayaa sheegay in deeqdan aysan aheyn tii ugu dambeysan ee ka timaada wasaaradda Caafimaadka ayna la shaqeynayaan maamulka gobalka Hiiraan.

“Wasiirka Amniga ayaa ku raacayaa in ka dabatagga ay  ka wanaagsantahay ka hortagga, wasaaraddu maamulka wey garab taagantahay weyna wadashaqeynayaa isku duwaha wasaaradda Caafimaadka iyo maamulka gobalka”ayuu Yiri Wasiir Cabdinuur.

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa dhibaato ba’an ku hayay Cudurka Shuban Biyoodka Kaas oo sababay dhimasha ku dhawaad 20 ruux oo uu cudurku soo ritay

Previous Post

Axmed Madoobe “inta qabyaaladdu jirto laga adkaan doonin Al-Shabaab”

Next Post

Culuma’udiinka iyo Bulshada Gaalkacyo oo cambaareeyay weerarkii dhawaan ka dhacay meel udhow Masjidka Nabbi Muxamed NNKH

Next Post
Maamulka Gaalkacyo ee Galmudug oo lagu wareejiyay gaari iska roge ah

Culuma’udiinka iyo Bulshada Gaalkacyo oo cambaareeyay weerarkii dhawaan ka dhacay meel udhow Masjidka Nabbi Muxamed NNKH

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In