Thursday, September 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Culuma’udiinka iyo Bulshada Gaalkacyo oo cambaareeyay weerarkii dhawaan ka dhacay meel udhow Masjidka Nabbi Muxamed NNKH

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Maamulka Gaalkacyo ee Galmudug oo lagu wareejiyay gaari iska roge ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Culuma udiinka iyo qeybaha kala duwan bulshada ku nool magaalada Galkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa si kulul uga hadlay weerarkii dhawaan qof nafti halige ahi uu ka gaystay Magaalada Madiina Almunawara kasoo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad muslimiin ah kuwaasoo ka agdhawaa goobta qaraxa ismiidaaminta ah uu ka dhacay.

Gudoomiyihii hore ee maxkamada sare ee Galmudug Sh Axmed Sh Yuusuf Jimcaale (Sheekh Ilka dahab) oo wareysi gaara siiyay warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa falkaasi ku tilmaamay mid aad u fool xun oo loo baahan yahay in dadka muslimiintaa ee ku nool daafaha caalamka ay ka dhiidhiyaan sidoo kalana ugu baaqay boqartooyada sucuudi carabiya in ay adkeeyaan amaanka Masjidka Nabiga iyo meel kasta oo muslimiintu ku cibaadeeystaan ee ku taala dalkaasi boqartooyada sucuudiga.

Related posts

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

September 10, 2026

Dhanka kale Sheekha oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay dalalka waaweeyn islaamku ineey arintaasi ka dhiidhiiyaan waxaana uu ku tilmaamay mid khatar ku ah jiritaanka islaamka haddii aan wax laga qaban ama aan laga hortagin kuwa soo abaabulay falkaan iyo kuwa la midka ah ee ka dhacaya dunida islaamka

Sidoo kale qaar ka mid ah culuma’udiinka waxgaradka iyo dhalinyarada ku nool magaalada Galkacyo oo la hadlay warbaahinta Qaranka soomaaliyeed ayaa iyaguna falkaasi ku tilmaamay mid aad uxun isla markaana aan loo dulqaadan Karin loona baahan yahay in laga dhiidhiyo isla markaana shucuubta islaamku ay iska kaashadaan sidii looga hortagi lahaa qatarta argagixisada.

Cabdi Risaaq Maxamed Axmed (C/risaaq Galkacyo)

Previous Post

Dowladda Oo Deeq Dawo ah Gaarsiisay Magaalada Baladweyne

Next Post

Ciidamada ammaanka oo hub ka soo saaray masjid ku yaal degmada Yaaqshiid+Sawirro

Next Post
Ciidamada ammaanka oo hub ka soo saaray masjid ku yaal degmada Yaaqshiid+Sawirro

Ciidamada ammaanka oo hub ka soo saaray masjid ku yaal degmada Yaaqshiid+Sawirro

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
0

Waxaa magaalada Nairobi lagu qabtay Shirka Heerka Sare ee Iskaashatada Horumarinta iyo Wakiillada Diblomaasiyadeed ee Dib-u-soo-nooleynta Webiyada Nairobi, kaas oo...

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

September 10, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

September 10, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka....

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka qeybgalay kulan ku saabsan “Waaga Cusub ee Xiriirka Türkiga iyo Soomaaliya”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka qeybgalay kulan ku saabsan “Waaga Cusub ee Xiriirka Türkiga iyo Soomaaliya”

September 10, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In