Sunday, October 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda oo dhiirigelisay Maktablayda Soomaaliyeed oo Ka Qayb Gashay Bandhig Buugaag oo Lagu Qabtay Qaahira

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Dowladda oo dhiirigelisay Maktablayda Soomaaliyeed oo Ka Qayb Gashay Bandhig Buugaag oo Lagu Qabtay Qaahira
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

QAAHIRA 30 Janaayo 2015: Sii Hayaha xilka Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustafa Sheikh Cali Dhuxulow ayaa dhiirigeliyey Maktablayda Soomaaliyeed oo markii ugu horreysay ka soo muuqatay bandhig buugaag oo lagu qabtay magalada Qaahira waxaana Soomaaliya mataleyay Midawga Maktablayda dalka oo ay ka socdeen 14 maktabadood oo ka jira dhamaan Gobollada Soomaaliya, iyadoo Safaarada Soomaaliyeed ee Masar ay u fududeysay Maktablayda.

Furitaanka carwadan ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’isul Wasaaraha dalka Masar Ibraahim Maxlab, Safiirka Soomaaliya C/laahi Sheekh Xasan, Qunsulka Soomaaliya Cali Bashiir iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda dalkaasi iyo qoraayaal ka kala yimid daafaha aduunka.

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

October 3, 2026
Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

October 3, 2026

“Aad baan ugu faraxsanahay in 25 sano kadib aan kasoo dhex muuqano madal Carab iyo Cajam isugu timid. Waa tallaabo hormar ah oo aan u qaadnay dhanka horumarka iyo sare u qaadidda maqaamka Soomaaliya ay kaga jirtay dalalka Carabta, Afrika iyo Aduunkaba.” Sidaa waxaa yiri Maxamed Shiil oo hogaaminayay wafdiga ka socday Maktableyda Soomaaliya.

Ururka Maktablayda Soomaaliya ayaa sheegay in ka qaybgalka carwadan uga gol lahaayeen inay caalamka gaarsiiyaan in sheekooyinka Soomaaliya aysan ahayn burcad badeed iyo gaajo balse isbadal iyo horumar wayn dalka ka dhacay, loona gudbay in lasoo nooleeyo jiritaanka hay’adihii lafdhabarka u ahaa waxbarashada iyo aqoonta Soomaaliya.

Raysul-wasaaraha waddanka Masar ayaa si gooni ah u soo booqday qeybta ay Soomaaliya ku laheyd bandhigga, isaga aad u boorriyay ka qeyb-galkooda isla markaana ka codsaday Madaxa Ururka Daabacayaasha Soomaaliyeed, mudane Maxamed Axmed (Shiil) inuu laba jibbaaro dadaalka uu ugu jiro ku soo dabbaalidda Soomaaliya bandhigyada akhriska iyo aqoonta.

Safaaradda Soomaaliya ee Masar ayaa kaalin mug leh ka qaaadatay in Bandhig Carweedkan ay Soomaaliya safka hore ka soo gasho. Ururka Maktablayda Soomaaliyeed ayaa bogaadiyay dadaalkii shaqaalaha safaaradda Qaahira iyo sidii wanaagsanayd ee ay u suura galiyeen in sanadkan maktabadaha dalka ka jira ka qayb galaan madasl calaami ah.
Bandhigan oo sanadle ah ayaa waxaa ka soo qeyb galay 650 Madbacadood oo ka socda 26 Dal oo Carab iyo dunida kaleba isugu jira, waxuuna socon doonaa illaa 12-ka bisha Febraayo.

DHAMAAD – Wasaarada Warfaafinta & Hannuuninta Dadweynaha

unnamed (1)

unnamed

Previous Post

Nin Soomaali-Mareykan ah oo lagu daray liiska argagixisada

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

October 3, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Al-calameyn ee dalka Masar kaga qaybgalay Madasha Ganacsiga Alcalamayn–Afrika, oo...

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

October 3, 2026
0

Eedeysane Dable Booliska Nuur Ibraahim Sahal, ayaa lagu soo eedeyay dembiga ah dil kas ah oo uu u geeystay Marxuum...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS waxay si adag u cambaareyneysaa weerarka lagu qaaday xarun koronto...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In