Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Nin Soomaali-Mareykan ah oo lagu daray liiska argagixisada

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
January 30, 2015
in Wararka
0
Nin Soomaali-Mareykan ah oo lagu daray liiska argagixisada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adda dambi baarista Mareykanka ee FBI-da ayaa shalay nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Liibaan Xaaji Maxamed ku dartay liiska argagixisada loogu raadis badan yahay , taasoo ka dambeysay markii dhawaan la sheegay inuu ku biiray Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa sheegay in $50,000 oo abaal-marin ah la siin doono ciddii soo sheegta macluumaad lagu soo xiri karo Liibaan oo 29 jir ah, isla markaana heysta dhalashada dalka Mareykanka.

Related posts

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025

Liibaan ayaa la sheegay inuu wade taksi ka ahaa magaalada Washington DC, wuxuuna ku noolaa waqooyiga Virginia, ka hor intii uusan kasoo bixin dalkaas shantii July ee sanadkii 2012-kii.

Liibaan waxaa lagu soo oogay dacwado la xiriira inuu taageero u fidiyay Al-Qaacidda iyo Al-Shabaab. Wuxuu hadda ka mid yahay 31 qof oo ku jira liiska dadka ay doon-dooneyso FBI-da, waxayna hay’addu ku tilmaantay inuu yahay bar-tilmaameed muhiim ah maadaama uu aqoon dheeraad ah u leeyahay caasimadda dalkaas, Al-Shabaabna uu ka caawin karo inay weerarro ka gaysato dalka Mareykanka.

FBI-da Mareykanka ayaa sheegtay in qofkii xog ninkan ku saabsan haya uu la xiriiri karo xafiisyada FBI-da ama safaaradda ugu dhow ee Mareykanka uu leeyahay.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxaxmuud oo galbta dalka dib ugu soo laabtay

Next Post

Dowladda oo dhiirigelisay Maktablayda Soomaaliyeed oo Ka Qayb Gashay Bandhig Buugaag oo Lagu Qabtay Qaahira

Next Post
Dowladda oo dhiirigelisay Maktablayda Soomaaliyeed oo Ka Qayb Gashay Bandhig Buugaag oo Lagu Qabtay Qaahira

Dowladda oo dhiirigelisay Maktablayda Soomaaliyeed oo Ka Qayb Gashay Bandhig Buugaag oo Lagu Qabtay Qaahira

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In