Wasiirka Gar gaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Saciid Xamse ayaa ka warbixiya gurmad deg deg ah oo ay dowladda Federaalka Soomaaliya gaarsiineyso deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug, halkaasi oo daadad ku fatahay ay sababeen xaalad beni’aadanimo oo adag.
Wasiir Xamse ayaa tilmaamay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu faray guddiga gurmadka Qaran ee Fatahaadaha inay deg deg uga howlgalaan sidii gurmad loo gaarsiin lahaa muwaadiniinta ku dhibaateysan Bacaadweyne oo hooy iyo hantiba ku beelay daadadkii ku fatahay.
Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka ayaa ka tacsiyadeeyay dadkii ku nafwaayay fatahaaddan ka dhacday Bacaadweyne, isaga oo muujiyay sida Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo guud ahaan Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay uga muragsanyihiin dhibaatadan.
Wasiir Xamse Saciid ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay u istaagaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen gurmadka deg dega ah ee loo fidinayo deegaannada ay fatahaaduhu ku dhufteen, iyada oo la xoojinayo wacyigelinta ku aaddan halista fatahaadaha iyo daadadka ee la filayo, maadaama lagu guda jiro xilli roobaadka Guga.
Hakan hoose ka akhriso