Muqdisho, 20 May 2017 β Raβiisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ku booriyey shacabka Soomaaliyeed inay hayβadaha amniga kala shaqeeyaaan Sugida Amniga Caasimada Muqdisho.
Hayβadaha Amniga iyagoo ka duulaya goβaamadii Golaha Wasiirada ee 11kii May 2017 waxey diyaariyeen barnaamijyadii ay ka mid ahaayeen;
- In la xareeyey ciidankii isku-dhafka ahaa ee howlgalka xasilinta Caasimadda, oo isugu jira Boliis, XDS & Nabadsugid, kuwaas oo leh hal Talis oo leh hoggaan mideysan.
- Maamulka Gobolka Benadir oo u diyaar garoobay iskudubaridka sidii ciidanka uga howlgali lahaayeen caasimada.
- Gobolka Benadir oo hirgeliyey goβaankii ahaa inaan gaadiidka la dhigan karin wadada Makka Al-Mukaramma oo Gobolka iyo Ciidanka Taraafikada ay howlgalkooda bilaabeen.
- Maamulka Gobolka oo hirgeliyey Golaha Ammaanka ee Gobolka Benadir oo waxweyn ka taraya sidii caasimada amnigeeda uu u noqon lahaa mid la isku haleyn kara
- Ciidanku waxey kaloo diyaariyeen qorshihii lagu hirgelin lahaa in Caasimadda looga mamnucayo ciidamada hubaysan iyo gaadiidka dagaalka ee aan ku jirin:-
- Howlgallada lagu xasilinayo Caasimadda,
- Kuwa wata warqad fasax dhaq-dhaqaaq ah
- Sidoo kale Ciidanku waxey diyaariyeen qorshihii looga mamnuucayey dhammaan qof kasta oo ay ku jiraan Masβuuliyiinta Dowladda in Magaalada Muqdisho ay ku dhex wataan ilaalo ka badan 4 askari gaari kasto iyo ugu badnaan 2 gaari, Mana qaadan karaan qori ka wayn AK47.
- Ciidanka Booliska oo diyaariyey qorshihii ay ku dhisayeen ciidamo gaar ah oo ilaaliya madaxda Qaranka iyo goobaha Muhiimka ah ee Dowladda.
- Shirkadaha Amniga ee gaarka loo leeyahay waxaa la farayaa in xarunta Howlgallada wadajirka ah ay si joogto ah u ogaysiiyaan dhaq-dhaqaaqa Ciidanka iyo Hubka ay maamulaan.
- Ilaalada Goobaha Ganacsiga sida Hoteelada, Carwooyinka, Isbitaalada, Jaamacadaha iwm, waxay masβuul ka ahaan doonaan amni darrada ka dhaca goobaha ay ilaaliyaan iyo agagaarkeeda, oo ayagoo wax ka qaban kara, ka baaqsada inay ka hortagaan, ama u soo gudbiyaan Ciidamada Amniga.
- Wasaaradaha Amniga, Gaashaandhiga iyo Taliyeyaasha Ciidamada waa inay sida ugu dhaqsiyaha badan u dhaqan geliyaan xarunta Hoggaaminta Howlgalka Xasilinta Caasimadda oo loo gartay JOCC, taasoo noqonaysa Taliska Howlgalkan.
- Howlgalka xasilinta Caasimadda wuxuu u bilaaban doonaa si deg-deg ah, inta ka horaysana Ciidan waliba kaalinta howlgalka kaga soo aadday ciidan & qalab waa inuu ku wareejiyaa Taliyaha Howlgalka.
- Maamulka Gobolka Banaadar ayaa ka howlgalaya Abaabulka & Baraarujinta dadweynaha iyagoo kaashanaya Wasaarada Warfaafinta, bulshada qaybaheeda kala duwan, iyo Hayβadaha amniga.
- Wasarada Warfaafinta ee Dowladda Federaalka wuxuu masβuul ka ahaan doonaa:-
- Doorka warbaahinta ee la xiriira Howlgalka Xasilinta Caasimadda iyo sidii saxaafada loola wadaagi lahaa macluumaadka howlgalada amniga lagu sugayo.
- Doorka Wacyigelinta bulshada oo ka baxaya Warbaahinada Dowladda iyo kuwa madax-banaan.
- Caasimada waxaa laga mamnuucay wadashada dharka ciidanka XDS iyadoon loo heysan sharciyad iyo aqoonsi.
- Laga bilaabo 11/May/2017 waxaa masβuuliyiinta Dowladda ee haysta Hubka, Gaadiidka & Ciidanka XDS, laga doonayaa inay ku celiyaan Taliska Ciidanka XDS muddo 10 casho gudohood.
Dhammaan goβaanadan kor ku xusan waxaa la waafajinayaa Dastuurka, Shareecada Islaamka iyo shuruucda dalka.
DHAMAAD
Wasaarada Warfaafinta












