Wednesday, February 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda oo ku boorisay shacabka inay laamaha amniga kala shaqeeyaan sugida Ammaanka Muqdisho

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Dowladda oo ku boorisay shacabka inay laamaha amniga kala shaqeeyaan sugida Ammaanka Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 20 May 2017 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ku booriyey shacabka Soomaaliyeed inay hay’adaha amniga kala shaqeeyaaan Sugida Amniga Caasimada Muqdisho.

Hay’adaha Amniga iyagoo ka duulaya go’aamadii Golaha Wasiirada ee 11kii May 2017 waxey diyaariyeen barnaamijyadii ay ka mid ahaayeen;

Related posts

Wasiirka Cadaaladda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Turkiga

Wasiirka Cadaaladda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Turkiga

February 10, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo booqday xarunta IMCTC

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo booqday xarunta IMCTC

February 10, 2026
  1. In la xareeyey ciidankii isku-dhafka ahaa ee howlgalka xasilinta Caasimadda, oo isugu jira Boliis, XDS & Nabadsugid, kuwaas oo leh hal Talis oo leh hoggaan mideysan.
  2. Maamulka Gobolka Benadir oo u diyaar garoobay iskudubaridka sidii ciidanka uga howlgali lahaayeen caasimada.
  3. Gobolka Benadir oo hirgeliyey go’aankii ahaa inaan gaadiidka la dhigan karin wadada Makka Al-Mukaramma oo Gobolka iyo Ciidanka Taraafikada ay howlgalkooda bilaabeen.
  4. Maamulka Gobolka oo hirgeliyey Golaha Ammaanka ee Gobolka Benadir oo waxweyn ka taraya sidii caasimada amnigeeda uu u noqon lahaa mid la isku haleyn kara
  5. Ciidanku waxey kaloo diyaariyeen qorshihii lagu hirgelin lahaa in Caasimadda looga mamnucayo ciidamada hubaysan iyo gaadiidka dagaalka ee aan ku jirin:-
  6. Howlgallada lagu xasilinayo Caasimadda,
  7. Kuwa wata warqad fasax dhaq-dhaqaaq ah
  8. Sidoo kale Ciidanku waxey diyaariyeen qorshihii looga mamnuucayey dhammaan qof kasta oo ay ku jiraan Mas’uuliyiinta Dowladda in Magaalada Muqdisho ay ku dhex wataan ilaalo ka badan 4 askari gaari kasto iyo ugu badnaan 2 gaari, Mana qaadan karaan qori ka wayn AK47.
  9. Ciidanka Booliska oo diyaariyey qorshihii ay ku dhisayeen ciidamo gaar ah oo ilaaliya madaxda Qaranka iyo goobaha Muhiimka ah ee Dowladda.
  10. Shirkadaha Amniga ee gaarka loo leeyahay waxaa la farayaa in xarunta Howlgallada wadajirka ah ay si joogto ah u ogaysiiyaan dhaq-dhaqaaqa Ciidanka iyo Hubka ay maamulaan.
  11. Ilaalada Goobaha Ganacsiga sida Hoteelada, Carwooyinka, Isbitaalada, Jaamacadaha iwm, waxay mas’uul ka ahaan doonaan amni darrada ka dhaca goobaha ay ilaaliyaan iyo agagaarkeeda, oo ayagoo wax ka qaban kara, ka baaqsada inay ka hortagaan, ama u soo gudbiyaan Ciidamada Amniga.
  12. Wasaaradaha Amniga, Gaashaandhiga iyo Taliyeyaasha Ciidamada waa inay sida ugu dhaqsiyaha badan u dhaqan geliyaan xarunta Hoggaaminta Howlgalka Xasilinta Caasimadda oo loo gartay JOCC, taasoo noqonaysa Taliska Howlgalkan.
  13. Howlgalka xasilinta Caasimadda wuxuu u bilaaban doonaa si deg-deg ah, inta ka horaysana Ciidan waliba kaalinta howlgalka kaga soo aadday ciidan & qalab waa inuu ku wareejiyaa Taliyaha Howlgalka.
  14. Maamulka Gobolka Banaadar ayaa ka howlgalaya Abaabulka & Baraarujinta dadweynaha iyagoo kaashanaya Wasaarada Warfaafinta, bulshada qaybaheeda kala duwan, iyo Hay’adaha amniga.
  15. Wasarada Warfaafinta ee Dowladda Federaalka wuxuu mas’uul ka ahaan doonaa:-
  16. Doorka warbaahinta ee la xiriira Howlgalka Xasilinta Caasimadda iyo sidii saxaafada loola wadaagi lahaa macluumaadka howlgalada amniga lagu sugayo.
  17. Doorka Wacyigelinta bulshada oo ka baxaya Warbaahinada Dowladda iyo kuwa madax-banaan.
  18. Caasimada waxaa laga mamnuucay wadashada dharka ciidanka XDS iyadoon loo heysan sharciyad iyo aqoonsi.
  19. Laga bilaabo 11/May/2017 waxaa mas’uuliyiinta Dowladda ee haysta Hubka, Gaadiidka & Ciidanka XDS, laga doonayaa inay ku celiyaan Taliska Ciidanka XDS muddo 10 casho gudohood.

Dhammaan go’aanadan kor ku xusan waxaa la waafajinayaa Dastuurka, Shareecada Islaamka iyo shuruucda dalka.

DHAMAAD

Wasaarada Warfaafinta

[email protected]

Previous Post

Waxqabadka Dawladda ee usbuucii la soo dhaafay-Sawirro

Next Post

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kormeer ku tagey goobaha lagu qaadayo Imtixaanka Dugsiyada Sare(SAWIRO).

Next Post
Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kormeer ku tagey goobaha lagu qaadayo Imtixaanka Dugsiyada Sare(SAWIRO).

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kormeer ku tagey goobaha lagu qaadayo Imtixaanka Dugsiyada Sare(SAWIRO).

Wasiirka Cadaaladda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Turkiga

Wasiirka Cadaaladda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Turkiga

February 10, 2026
0

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo booqday xarunta IMCTC

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo booqday xarunta IMCTC

February 10, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho ku jooga Boqortooyada Sucuudi Carabiya, ayaa maanta booqday xarunta...

Mudanayaasha Labada Aqal ee BJFS oo ka dooday Cutubka 5-aad ee Dastuurka

Mudanayaasha Labada Aqal ee BJFS oo ka dooday Cutubka 5-aad ee Dastuurka

February 10, 2026
0

Mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka, waxaana shir...

𝐌𝐢𝐧𝐢𝐬𝐭𝐞𝐫 𝐀𝐛𝐝𝐢𝐬𝐚𝐥𝐚𝐦 𝐀𝐛𝐝𝐢 𝐀𝐥𝐢 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐯𝐞𝐬 𝐢𝐧 𝐀𝐝𝐝𝐢𝐬 𝐀𝐛𝐚𝐛𝐚 𝐟𝐨𝐫 𝐭𝐡𝐞 𝟑𝟗𝐭𝐡 𝐀𝐔 𝐒𝐮𝐦𝐦𝐢𝐭

𝐌𝐢𝐧𝐢𝐬𝐭𝐞𝐫 𝐀𝐛𝐝𝐢𝐬𝐚𝐥𝐚𝐦 𝐀𝐛𝐝𝐢 𝐀𝐥𝐢 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐯𝐞𝐬 𝐢𝐧 𝐀𝐝𝐝𝐢𝐬 𝐀𝐛𝐚𝐛𝐚 𝐟𝐨𝐫 𝐭𝐡𝐞 𝟑𝟗𝐭𝐡 𝐀𝐔 𝐒𝐮𝐦𝐦𝐢𝐭

February 10, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Ali has arrived in Addis Ababa to participate in the...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In