Monday, April 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda oo markale ka digtay in la qabto isu imaatan dadweyne

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Dowladda oo markale ka digtay in la qabto isu imaatan dadweyne
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xundubey Jimcaale oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dowladda ay markale ka digeyso in la qabto isu soo bax dadweyne, maadamaa uu dalku wajahayo xaalado cusub oo cudurka COVID-19 ah.

Wasiirka oo suxufiyiinta kula hadlayay xarunta Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegay in dowladda aysan ogolaan doonin in la qabto isu soo bax dadweyne, isla markaana ay dowladda soo jeedineyso in la yareeyo isu imaatanka dadweynaha, maadaama COVID-19 uu markale soo labo kacleeyay, isagoo intaa ku daray shirka Golaha Wasiirada lagu qabto qaab online ah.

Related posts

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

April 5, 2026
Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

April 5, 2026

“Qatarta caafimaad ee dalka ka jirta waad ka warqabtaan, maalin kasta waad maqleysaan qeylada ambalaasta, taasi waxa ay nagu sii adkeyneysaa in la sii yareeyo isu imaatanka, in la sii yareeyo waxkasta oo dadku isu keeni kara, si qatarta caafimaadka ay u yaraato” ayuu yiri Wasiirka amniga.

Mudane Xasan Xundubey Jimcaale ayaa xusay in sidoo kale dhagarqabayaashu ay bilaabeen inay carqaladeeyaan amniga, oo ay tuuraan jaakad laga soo buuxiyay walxaha qarxa, isagoo xusay in ciidamada amniga ay gacanta ku soo dhigeen.

“Mas’uuliyad ayaa naga saran bulshada oo ma dhihi karno meel ha isugu timaado, sida waalidka uu uga wal walo carruurtiisa ayaa anagana uga wal waleynaa in bulshada ay waxyeelo soo gaarto, banaan bax nuuc kasta ha noqdo, waa mamnuuc dowladda ma ogola, mana ogolaan doonto” ayuu hadalkiisa ku daray Wasiirka amniga.

Wasiirka Amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xundubey Jimcaale ayaa hoosta ka xariiqay in Xukuumadda Soomaaliya ay markasta diyaar u tahay inay wada hadal la qaadato cidkasta oo qabta tabasho, si xal looga gaaro tabashadooda.

Previous Post

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo fashiliyay Qarax lala damacsanaa in lagu dhibaateeyo shacabka

Next Post

DAAWO: 9 ruux oo ka bogsatay COVID-19 oo laga bixiyay Isbitaalka Martiini

Next Post
DAAWO: 9 ruux oo ka bogsatay COVID-19 oo laga bixiyay Isbitaalka Martiini

DAAWO: 9 ruux oo ka bogsatay COVID-19 oo laga bixiyay Isbitaalka Martiini

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHAB):-Qaar ka tirsan Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Baydhaba, ayaa maanta kulamo kala duwan kula qaatay...

Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ururka 165-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab ayaa howlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno hoos yimaada Degmada Buurhakaba...

Hoggaamiyaha kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

Hoggaamiyaha kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):Hoggaamiyaha kumeel gaarka ah ee Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji ayaa Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Odayaashay Dhaqanka KGS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Odayaashay Dhaqanka KGS

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la qaatay qaybo ka mid ah Odayaasha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In