Sunday, January 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda oo sheegtay inaan waxba laga badalin Lacagta lagu Xajinayo, Duulimaadyada Xujaydana ay billaaban doonaan “DHAGEYSO”

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Dowladda oo sheegtay inaan waxba laga badalin Lacagta lagu Xajinayo, Duulimaadyada Xujaydana ay billaaban doonaan “DHAGEYSO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku simaha Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ahna wasiiru dowlaha Wasaaradda Mudane C/xakiin Xasan Ibraahim Ashkir oo waraysi gaar ah siiyay Warbaahinta Qaranka, isagoo ku sugan wadanka Sacuudiga ayaa wuxuu ka warbixiyay kulamo uu halkaasi kula qaatay masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Xajka ee dalka Sacuudiga.

 

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceedyo la yeeshay dhiggiisa dalalka Suudaan iyo Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceedyo la yeeshay dhiggiisa dalalka Suudaan iyo Kuweyt

January 11, 2026
Haweenka Soomaaliyeed oo bannaanbax ka dhan ah xadgudub Israa’iil ee Soomaaliya ka dhigay Muqdisho

Haweenka Soomaaliyeed oo bannaanbax ka dhan ah xadgudub Israa’iil ee Soomaaliya ka dhigay Muqdisho

January 11, 2026

Wasiirka ayaa sheegay inuu kala hadleen Arrimaha ay ka midyihiin safarka Xujayda Soomaalida ay ku tagayaan dhulka Barakaysan iyo sidii ay u heli lahaayeen adeegyo dhamaystiran oo la mid ah kuwa ay helaan xujayda wadamada kale ka imaanaya.

Mudane C/xakiin Xasan Ibraahim Ashkir ayaa sidoo kale sheegay iyadoo ay iskaashanayaan wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta iyo Shirkadaha Diyaaradaha in maalinta Axada ah ee soo socota ay gudbin doonaan jadwalka Duulimaadyada Xujayda, ka dibna ay bilaaban doonaan duulimaadyada dadka Soomaaliyeed ay ku tagayaan Wadanka Sacuudiga si ay u soo gudtaan Acmaasha Xajka.

Dhanka kale Wasiir Ashkir ayaa sheegay inaysan waxba iska badalin dadaaladii ay waday dowladda ee la xariiray in la yareeyo lacagaha badan ee dadka Soomaaliyeed ay ku tagi jireen Xajka, wuxuuna xusay wasiirka in haatan Qofkii xajinaya laga qaadayo lacag dhan 3300, oo dollar (Saddex kun iyo Saddex Boqol oo dollar) Halka markii hore laga qaadi jiray Qofkii 3850, Dollar (Saddex kun Sideed Boqol iyo konton Dollar)

HALKAAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA WASIIRKA

https://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2018/07/www.mp3
Previous Post

Golaha Wasiirrada Oo Ansixiyay Siyaasadda Kormeerka Iyo Qiimaynta. +SAWIRRO

Next Post

Wasiirka Difaaca iyo Taliyeyaasha Ciidanka Qalabka sida oo Kormeeray Xerada Hiilweyne “Sawirro”

Next Post
Wasiirka Difaaca iyo Taliyeyaasha Ciidanka Qalabka sida oo Kormeeray Xerada Hiilweyne “Sawirro”

Wasiirka Difaaca iyo Taliyeyaasha Ciidanka Qalabka sida oo Kormeeray Xerada Hiilweyne “Sawirro”

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceedyo la yeeshay dhiggiisa dalalka Suudaan iyo Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceedyo la yeeshay dhiggiisa dalalka Suudaan iyo Kuweyt

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO(JEDDAH):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xalay fiidkii magaalada Jeddah kulan kula yeeshay dhigiisa...

Haweenka Soomaaliyeed oo bannaanbax ka dhan ah xadgudub Israa’iil ee Soomaaliya ka dhigay Muqdisho

Haweenka Soomaaliyeed oo bannaanbax ka dhan ah xadgudub Israa’iil ee Soomaaliya ka dhigay Muqdisho

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Bannaanbax ballaaran oo ay soo abaabuleen Haweenka Soomaaliyeed ayaa maanta ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho, kaas...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Falastiin

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Falastiin

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa magaalada Jeddah kulan kula yeeshay dhigiisa Marwo Dr....

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO(JEDDAH):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa caawa fiidkii magaalada Jeddah kulan kula yeeshay dhiggiisa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In