Saturday, February 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Wasiirrada Oo Ansixiyay Siyaasadda Kormeerka Iyo Qiimaynta. +SAWIRRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Golaha Wasiirrada Oo Ansixiyay Siyaasadda Kormeerka Iyo Qiimaynta. +SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 g𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐥𝐦𝐮𝐝𝐮𝐠 𝐬𝐢 𝐮𝐮 u x𝐨𝐨𝐣𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 g𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐥𝐦𝐮𝐝𝐮𝐠 𝐬𝐢 𝐮𝐮 u x𝐨𝐨𝐣𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚

February 27, 2026
Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo Jiddah uga qeybgalay kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo Jiddah uga qeybgalay kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka

February 27, 2026

Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa shir guddoomiyay kulanka golaha wasiirrada oo looga hadlay arrimo ay kamid yihiin amniga dalka, hiigsiga dhaqaalaha 2040-ka, Sharciga hanti-dhawrka, siyaasadda kormeerka iyo qiimaynta iyo Soo noolaynta barnaamijka waciyi-gelinta qaranka.

Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga gudaha Maxamuud Maxamed Boonow ayaa golohu ka dhagaystay warbixin la xariirta amniga dalka, meesha uu marayo baaritaanka weerarkii xarunta wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshisiinta iyo wasaaradda amniga, horumarrada la sameeyay, hawl-gallada ciidamada xoogga dalku ay ku xaqiijinayaan amniga iyo qorshaha lagu sii laba jibbaarayo dadaallada sugidda amniga caasimadda iyo guud ahaan dalka.

Wasiirka warfaafinta xukuummadda federaalka Soomaaliya Amb. Daahir Maxamuud Geelle ayaa golaha wasiirrada uga war bixiyay qorshaha soo nooleynta barnaamijka wacyi-gelinta qaranka, wuxuuna faah-faahiyay habka ugu haboon oo barnaamijkaas uu ku guulaysan karo, si Shacabka Soomaaliyeed ay uga faa’iideestaan.

Tubta horumarinta dhaqaalaha ayaa golaha u soo bandhigtay qorshaha dhaqaalaha dalka ee 20-ka sano ee soo socda iyo heerka la doonayo in dhaqaalaha Soomaaliya uu gaaro sannadka 2040-ka, sidoo kale tubta siyaasadda loo dhanyahay ayaa golaha wasiirrada usoo bandhigtay hal-beegyada la dhameestiray iyo hal-beegyada la doonayo in lagu guuleesto kahor 2020-ka si loo fuliyo ballan-qaadyadii xukuummadda federaalka Soomaaliya.

Tubta horumarinta arrimaha bulshada ayaa dhankeeda golaha wasiirrada usoo bandhigtay hal-beegyada hor-tebinta leh ee ay ka midyihiin horumarinta waxbarashada, hir-gelinta cisbitaallo dawladdu maamusho oo bulshada loogu adeego iyo hirgelinta hey’ad ka jawaabta xaaladaha deg-degga ah.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Aadan Isaaq Cali oo ka war bixiyay kulanka ayaa sheegay in golaha wasiirradu xukuummadda Federaalka Soomaaliya ay ansixiyeen siyaasadda qaran ee Siyaasadda kormeerka iyo qiimaynta oo lagula xisaabtamayo hey’adaha ka hawl gala Soomaaliya, laguna ogaanayo hawlaha ay qabtaan oo wasaaradda qorshaynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha ay horay ugu soo gudbisay golaha wasiirrada.

Previous Post

Gobolka Banaadir oo daahfuray Wadatashiga Siyaasadda Barakacayaasha+Sawirro

Next Post

Dowladda oo sheegtay inaan waxba laga badalin Lacagta lagu Xajinayo, Duulimaadyada Xujaydana ay billaaban doonaan “DHAGEYSO”

Next Post
Dowladda oo sheegtay inaan waxba laga badalin Lacagta lagu Xajinayo, Duulimaadyada Xujaydana ay billaaban doonaan “DHAGEYSO”

Dowladda oo sheegtay inaan waxba laga badalin Lacagta lagu Xajinayo, Duulimaadyada Xujaydana ay billaaban doonaan "DHAGEYSO"

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 g𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐥𝐦𝐮𝐝𝐮𝐠 𝐬𝐢 𝐮𝐮 u x𝐨𝐨𝐣𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 g𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐥𝐦𝐮𝐝𝐮𝐠 𝐬𝐢 𝐮𝐮 u x𝐨𝐨𝐣𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚

February 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug, si uu...

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo Jiddah uga qeybgalay kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo Jiddah uga qeybgalay kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka

February 27, 2026
0

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS Mudane Cali Maxamed Cumar ayaa Magaalada Jiddah uga kulan looga hadlaayay qodobbo dhowr ah oo...

Afur Diblomaasiyadeed: “Horumarka Soomaaliya”.

Afur Diblomaasiyadeed: “Horumarka Soomaaliya”.

February 27, 2026
0

Iyadoo la qaadanayo hal-ku-dhigga “Horumarka Soomaaliya”, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Abdisalam Ali, ayaa martigeliyay Afur heer...

Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

February 27, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In