Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta soo saartay warsaxaafadeed ay ku muujinayaan sidaay uga xun yihiin shaqaaqooyinka gacan ka hadalka ee saaka ka dhacay magaalada Baydhabo oo xarun KMG ah u ah ee Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed.
Dowladda Federaalka waxay ku boorineysaa dhammaan qeybaha siyaasadda inay miiska wadahadalka ku xaliyaan kala aragti duwanaanshahooda, isla markaana ay ka fogaadaan in dhiig la daadiyo.