Sunday, October 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Sacuudiga oo xadiday dadka sanadkan Xajinaya

caqiil by caqiil
5 years ago
in Wararka
0
Dowladda Sacuudiga oo xadiday dadka sanadkan Xajinaya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudiga, ayaa ku dhawaaqday in la diiwaangeliyay dadka sannadkan 1442, ka qeyb gali doona Acmaasha xajka.

Xujaay gareeysa 60,000 oo isugu jira muwaadiniin iyo dadka deggan gudaha Sacuudi Carabiya oo keliya ayaa sanadkan ka qeyb galidoona sida ay shaacisay Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudiga.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Uganda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Uganda

October 4, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

October 3, 2026

Si looga hortago cudurka faafa ee Corona, loona xoojiyo Xaaladda caafimaad ee dadka doonaya in ay gutaan waajibaadka Xajka waa inay noqdaan kuwa soo maray hanaanka baaritaan ee cuduraka daba dheeraada ee Corona, ayaa lagu yiri Bayaan shalay ka soo baxay Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee Sacuudiga.

Sidokale dadka ka qeyb qaadana Xajka ayaa loo shardiyay in da’dooda ay u dhaxeeyso 18 sano illaa 65 sano jir, kuwaa oo dhamantood qaatay Tallaalka Covid 19, iyadoo la raacayo hanaanka caafimaad ee ay Boqortooyada Sacuudigu dajisay.

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ayaa caddeysay in dowladda Sacuudiga ay had iyo jeer ahmiyad weyn siineyso caafimaadka iyo amniga xujeyda, taa oo  ah mudnaanta koowaad ee ka qeyb galka Xajka.

Waxay sheegtay Wasaaraddu in Tobankii sane ee la soo dhaafay 150 milyan oo Ruux ay si nabad ah ku guteen waajibaadka Xajka.

Previous Post

Dadweynaha Al-jeeriya oo u dareeray doorashada Golaha Baarlamaanka

Next Post

Ra’isul Wasaaraha X.F. S oo la kulmay Wakiilka Xoghayaha Qaramada Midoobay

Next Post
Ra’isul Wasaaraha X.F. S oo la kulmay Wakiilka Xoghayaha Qaramada Midoobay

Ra’isul Wasaaraha X.F. S oo la kulmay Wakiilka Xoghayaha Qaramada Midoobay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Uganda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Uganda

October 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Magaalada Arusha ee Dalka Tanzania kulan...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

October 3, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Al-calameyn ee dalka Masar kaga qaybgalay Madasha Ganacsiga Alcalamayn–Afrika, oo...

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

October 3, 2026
0

Eedeysane Dable Booliska Nuur Ibraahim Sahal, ayaa lagu soo eedeyay dembiga ah dil kas ah oo uu u geeystay Marxuum...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In