Thursday, March 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka oo kala saxiixday heshiis gaaraya 445 milyan oo dollar

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka oo kala saxiixday heshiis gaaraya 445 milyan oo dollar
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta kulan kula qaatay xrunta Wasaaradda Maaliyadda Kristina Svensson oo ah Wakiilka Soomaaliya u qaabilsan Bangiga Adduunka .

Kulan uu Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya la yeeshay Wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya ayaa looga hadlay guulaha dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya iyo maalgelinta mashaariicda mustaqbalka.

Related posts

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

March 19, 2026
Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

March 18, 2026

Kulanka kaddib ayaa Wasiirka Maaliyadda Dr. Cabdiraxmaan Beyle iyo Wakiilka Bangiga Adduunka Kristina waxa ay kala saxiixdeen heshiis gaaraya $445 Milyan oo Dollar oo ah Mashaariic kala duwan oo Deeq ah, isla markaana lagu horumarinayo Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Beyle ayaa sheegay in mashaariicda ay kala saxiixdeen aad iyo aad muhiim ugu yihiin Soomaaliya, mashaariicdaas ku saabsan Caafimaad, Tacliinta iyo waxyaabo kale oo fara badan isugu jirta.

“Waxaa farxad weyn noo ah maanta in aanu la kulanay Bangiga Adduunka kooxda ka socota oo aan kala saxiixanay mashaariic aad iyo aad muhiim ugu dalkan  Soomaaliya mashaariicdaas oo Caafimaad, Tacliinta iyo waxyaabo kale oo fara badan isugu jirta oo gaaraysa 445 Milyan oo Doollar ayaan maanta kala saxiixanay”. Ayuu yiri Wasiir Beyle.

Wasiirka ayaa sheegay in mashaariicdaan oo Deeq ah ay socon doonnaan saddexda sanno ee soo socota. Wasiirka ayaa intaas ku daray in Deeqdaan lacageed ay marqaati ka tahay habka Maaliyadeed ee dowladda Soomaaliya ku soo dhaqantay 4 sanno ee la soo dhaafay iyo sida Adduunku u aamminsan yahay inuu wax badan soo qabtay, haddana qaban karo.

Ugu dambeyn, Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in mashaariic intaan ka badan ay soo socdaan, sidoo kalena kala saxiixan doonaan inta uusan sannadkaan dhammaan.

Previous Post

Madaxwayne ku-xigeenka Puntland oo shir Guddoomiyay Shirka Maamul Daadajinta iyo Adeeg Bixinta Puntland “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo qaabilay Safiirka Kenya ee Soomaaliya

Next Post
Ra’iisul Wasaare Rooble oo qaabilay Safiirka Kenya ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Rooble oo qaabilay Safiirka Kenya ee Soomaaliya

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

March 19, 2026
0

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa magaalada New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed....

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

March 18, 2026
0

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo kaashaneysa Hay’adda Al-Mahasin Foundation, ayaa maanta si rasmi ah u soo...

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

March 18, 2026
0

Gudoomiyaha Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa soo bandhigay qeyb ka mid ah istiraatiijiyadda cusub ee...

Hay’adda SoDMA oo deeq gargaar ah ugu qeybisay Baydhabo qoysas danyar ah

Hay’adda SoDMA oo deeq gargaar ah ugu qeybisay Baydhabo qoysas danyar ah

March 18, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, iyo Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa maalintii labaad magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In