Friday, July 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo ku baaqay hubinta badqabka shaqaalaha gargaarka

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo ku baaqay hubinta badqabka shaqaalaha gargaarka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maalinta Caalamiga ah ee Samafalka awgeed, Dowladda Federaalka Soomaaliyaiyo Qaramada Midoobay waxay ku baaqayaan in laga qayb qaato bedqabka shaqaalaha gargaarka ee ku howlan badbaadinta dadka Soomaaliyeed ee tabaaleysan.

“Sannadkan, Maalintan Bini’aadamnimada Adduunka waxay ku soo aadday waqti adag oo ay jirto halis saddex-

Related posts

Taliyaha Ciidanka Dhulka Dowladda Jamhuuriyadda Turkiga, Metin Tokel, oo booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Dhulka Dowladda Jamhuuriyadda Turkiga, Metin Tokel, oo booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya

July 10, 2026
Wasiir Fiqi oo ciidanka xoogga faray in ay diyaargaroobaan

Wasiir Fiqi oo ciidanka xoogga faray in ay diyaargaroobaan

July 10, 2026

geesood ah (Koroona Fayras, fatahaado iyo ayaxa) ay uga sii dareen xaaladda bini’aadamnimo ee daba dheeraatay ee Soomaaliya,” ayuu yiri Iskuduwaha Arrimaha Bini’aadamnimada ee Soomaaliya, Mr. Adam Abdelmoula.

“Bahda gargaarku waxay qiyaasayaan in 5.2 milyan oo qof ay u baahanyihiin kaalmo bini’aadamnimo sannadkan 2020, weliba xaalku wuxuu hadda u muuqdaa inuu ka sii daraayo.

Ilaa 3.5 milyan oo Soomaali ah ayaa la qiyaasayaa ineysan heli doonin cunto ay ku noolaadaan bisha Sebteembar. Si looga gudbo faqriga ay keeneen mashaqooyinka bini’aadamnimo,waxaa lagama maarmaan ah in la helo xal waara,” ayuu ku daray Mr. Abdelmoula.

Jawiga ay ku shaqeeystaan shaqaalaha gargaargka waa mid adag sababo la xiriira amni darrada jirta iyo kaabayaasha waddanka oo liita, tan ayaa caqabad ku noqotay in gargaarku si sahlan u gaaro dadka u baahan.

Caqabadaha ku horgudban gargaarka aad ayay sara ugu kaceen sannadkan 2020, ilaa 114 dhacdo oo ka dhan ah howlaha gargaark bini’aadamnimo ayaa la diiwaan geliyay intii u dhaxeysay bilowga sannadka iyo dhammaadkii bisha Luulyo, marka la barbardhigo 151 dhacdo oo la diiwaan geliyay sannadkii 2019. Shaqaale gargaar oo gaaraya 11 ayaa la dilay, 11 wa dhaawacmeen, 23na waa la afduubtay, shaqaalaha la dilay waxaa ka mid ah toddobo hal meel lugu wada dilay.

“Waxaan rabaa inaan bogaadiyo dadaalka aan kala go’a lahayn ee samafalayaasha Soomaaliyeed ee ka shaqeeyaarrimaha gargaarka,” ayuu yiri Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. “Waxaan si gaar ah u magac dhabayaa shaqaalaha gargaarka ee Soomaaliyeed oo lafdhabar u ah howlaha gargaarka.”

Laga soo bilaabo bishii Maarso, Soomaaliya waxay diiwaan gelisay 3,200 kiis oo Korona Fayras, halka 93 qofna ay xanuunka u dhinteen. Fatahaado ayaa saameeyay dad gaaraya 200,000 oo qof oo ku kala nool dowlad goboleedyada Hirshabelle, Koofur Galbeed, Jubaland iyo Gobolka Banaadir laga soo bilaabo dabayaaqadii bishii Juun ee sannadkan; waxaana ku barakacay 124,000 oo qof halka ay fatahaaduhu burburiyeen dhul beereed ballaaran. Intaas waxaa dheer, ayax ku habsaday kumanaan hektar oo isugu jira dhul beereed iyo dhul daaqsineed.

Dabeylo roobab wata ayaa sidoo kale ku dhuftay xeebaha Jubada Hoose iyo Shabeellaha Hoose ayagoo saameeyay dhaqdhaqaaqyadii kalluumeysiga; kalluumeysato Soomaaliyeed ayaan la heyn nolol iyo geeri.

Khatarta saddex-xagalka ah waxay uga sii dartay xaaladihii nugeylka ahaa ee dadka Soomaaliyeed ku jireen waxayna wax u dhibeen guulihii dhaqan-dhaqaale ee laga gaaray dhanka beeraha iyo ganacsiga, si gaar ah waxay khatartani u saameysay hab nololeedka dadka saboolka ah; waxayna culeys dheeri ah saartay qaybaha caafimaadka.

19kii Juun.xiriiriyaa Gargaarka Degdegga ah Mr. Mark Lowcock ayaa ogolaaday US$15 milyan oo wax looga qabanayo saameynta Koroona Fayras, ayaxa iyo fatahaadaha. Intaas waxaa dheer 279 hay’ado samafal oo howlo gargaar ka fulinaaya Soomaaliya, ayaa sara u qaaday howlaha gurmadka si loola tacaalo baahiyaha soo kordhay.

Sannadkan, Maalinta Bini’aadamnimad Adduunka, waa sannad guuradii 17aad ee ka soo wareegtay weerarkii Canal Hotel ee Baqdaad, oo ay ku dhinteen 22 qof oo uu ku jiray ergagii Xog-hayaha Guud ee QM u qaabilsanaa dalka Ciraaq. Sannadkii 2009, Golaha loo dhanyahay ee Jamciyadda Quruumaha ka Dhexeysa wuxuu meel mariyay qaraar 19ka Ogosto loogu aqoonsanayo Maalinta Samafalka ee Caalamiga ah. Sannad walba maalintan oo kale, waxaan xasuusnannaa malaayiinta rayidka iyo samafalayaasha ah ee ku sugan goobaha colaadaha.

Previous Post

Joe Biden oo Xisbigiisu u caleema saaray doorashada soo socota ee Maraykanka

Next Post

Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo gacanta lagu dhigay+SAWIRRO

Next Post
Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo gacanta lagu dhigay+SAWIRRO

Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo gacanta lagu dhigay+SAWIRRO

Taliyaha Ciidanka Dhulka Dowladda Jamhuuriyadda Turkiga, Metin Tokel, oo booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Dhulka Dowladda Jamhuuriyadda Turkiga, Metin Tokel, oo booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya

July 10, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya – Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta Garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyey...

Wasiir Fiqi oo ciidanka xoogga faray in ay diyaargaroobaan

Wasiir Fiqi oo ciidanka xoogga faray in ay diyaargaroobaan

July 10, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa ciidanka xoogga dalka iyo ciidanka deegaanka ee ku jira dugsiga tababarrada Qoriloow...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay suxufiyiinta warbaahinta gaarka loo leeyahay

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay suxufiyiinta warbaahinta gaarka loo leeyahay

July 9, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta Beerta Nabadda kulan kula yeeshay suxufiyiinta warbaahinta...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

July 9, 2026
0

Taliska Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa maanta xaruntiisa ku qabtay shirka Talisyada Qaybaha Ciidanka Dhulka, kaas oo uu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In