Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo aas Qaran u sameysay Saraakiishii Shalay ku shahiidday nawaaxiga Dhanaane “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
December 7, 2018
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo aas Qaran u sameysay Saraakiishii Shalay ku shahiidday nawaaxiga Dhanaane “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa ka qayb galay Tukashada Salaad Jinaazada ah iyo aas Qaran oo loo sameeyay Allaha u naxariistee Taliyihii iyo abaan duulihii Guutada 12-ka April ee Ciidanka XDS, Marxuum Jeneraal Cumar Aaden Dhubbad (Cumar dheere) iyo Marxuum Jeneraal, Cabdi Cali Jammaame, oo Shalay ku shahiiday qarax ka dhacay nawaaxiga Dhanaane ee Gobolka Shabeellada hoose.

 

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Salaadda Jinaazada oo ka dhacday Masjidka Madaxtooyada,  ayaa waxaa kasoo qayb galay, Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha Dalka, Saraakiill iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda federaalka Soomaaliya.

Taliya Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeyo Gaas , Daahir Aaden Cilmi (Indha-qarshe) oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in howl-gallada ay cadawga ku baacsanayaan aysan waxba ka beddeli doonin geerida Saraakiishan.

Wuxuu Taliyuhu hoosta ka harriiqay inaysan Dowladdu illaawi doonin Xaasaskii iyo Carruurtii ay ka geeriyoodeen, isagoo sheegay in marxuumiintan shahiidday aysan dhiman balse ay dhuunteen.

“Waxaan u sheegeynaa dhammaan Ummadda Soomaaliyeed dhaqan buu lahaa Ciidanka xoogga Dalka, ka tegi meyno waa ilaalineynaa, Aabbaha markuu dagaal ku dhinto, Carruurtiisa iyo Xaasaskiisa waxaa ballan qaadaya Xoogga Dalka Soomaaliyeed,’ayuu yiri Taliyuhu.

Jeneraal, Indha Qarshe ayaa hanjabaad xooggan hawada u mariyay Kooxda nabad-diidka ah ee Al-Shabaab, wuxuuna sheegay inay u aari doonaan saraakiishii geeriyootay, isla markaana ay ka qoomamayn doonaan ficillada fulaynimada ah ee ay argagixisadu ku dhaqaaqeen.

Previous Post

Bahda Garsoorka Ciidanka oo tacsi u diray Shuhadadii ku baxday gacanta Arga-gixisada…

Next Post

Awdheegle: Guri lagu diyaarinayay walxaha Qarxa oo la bur buriyay

Next Post
Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal ku dilay lix ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab

Awdheegle: Guri lagu diyaarinayay walxaha Qarxa oo la bur buriyay

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In