Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Awdheegle: Guri lagu diyaarinayay walxaha Qarxa oo la bur buriyay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
December 8, 2018
in Wararka
0
Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal ku dilay lix ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maamulka Gobalka Shabelaha Hoose ayaa faah faahin ka bixiyay howlgallo ka dhan ah maleeshiyada Argagixisada ee Al-Shabaab iyo qasaaraha loogu geystey howlgalkii ugu dambeeyay ee laga fuliyay Awdheegle.

 

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025

Guddoomiyaha Gobalka Shabeelah Hoose Mudane Maxamed Ibraahim Barre oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa tilmaamay in howlgallada ay yihiin mid si xowli ah ku socda oo dhanka xeebta ka socda, isagoo intaa ku daray in haatan la bilaabay howlgallo Nabad diidka looga sifeeynayay wadada dheer ee isku xirta N0 50 ilaa iyo Shalaanbood halkaasi oo lagu dilay tiro ka mid ah Al-Shabaab.

“Degmada Awdheegle waxaa lagu weeraray guri ay ku diyaarinayeen waxyaabaha qarxa oo dhaca dhanka webiga, kaasi  oo ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka, waxaa lagu dilay kuwii la rabay inay is qarxiyaan, sidoo kale waxaa la bur buriyay qaraxyadii ay maleegayeen, iyadoo bar isbaaro u tiilay lagu dilay kuwii joogay, guud ahaan tirada looga dilay weerarka Awdheegle waa 20” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada xoogga dalka ayaa xoojiyay howlgallada lagu bartilmaameedsanayo argagixisada Al-Shabaab, si looga hortego dhibaatada ay ku hayaan shacabka.

 

 

Previous Post

Dowladda Soomaaliya oo aas Qaran u sameysay Saraakiishii Shalay ku shahiidday nawaaxiga Dhanaane “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo lagu soo dhaweeyay Dalka Jordan “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo lagu soo dhaweeyay Dalka Jordan “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo lagu soo dhaweeyay Dalka Jordan "SAWIRRO"

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u qaabilsan...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka...

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

July 14, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir Guddoominaya kulanka ay yeelanayaan Wasiirada Maaliyadda Madasha dalalka...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

July 14, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Aden, ayaa maanta si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In