Sunday, July 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo lagu soo dhaweeyay Dalka Jordan “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
December 8, 2018
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo lagu soo dhaweeyay Dalka Jordan “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo shir looga hadlayo dagaalka ka dhanka ah argagaxisada uga qayb gelayaan dalka Jordan, ayaa lagu soo dhaweeyaya caasimadda dalkaas ee Amman.

 

Related posts

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

July 13, 2025
Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

July 12, 2025

Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan boqortooyada Jordan ayaa si heer sare ah usoo dhaweeyay ra’iisul wasaare ku-xigeenka iyo wafdiga uu hoggaamiyo oo ay kamid yihiin wasiir ku-xigeenka wasaaradda amniga gudaha XFS iyo saraakiil kale.

Shirkaan oo looga hadlayo iskaashiga kahor tagga argagaxisada ayaa ra’iisul wasaare ku-xigeenku waxa ku matalayaa madaxwaynaha iyo ra’iisul wasaaraha dalka oo lagu casuumay in mid kamid ah uu ka qayb galo hase yeeshee ay uga baaqdeen hawla kale oo muhiim ah.

Kulanka looga hadlayo iskaashiga la dagaalanka argagaxisada oo berry furmaya ayaa si gaar ah diiradda loogu saarayaa sidii dhaqaale ahaan, ciidan ahaan iyo fikir ahaanba looga hor-tegi lahaa ficillada abaabulan ee kooxuhu ka gaystaan caalamka oo dhan.

Kulanka oo abaabulkiisa uu leeyahay boqorka Jordan ayaa waxaa kasoo qayb galaya madax ka socoto wadamo badan, waxaana la filayaa in ay kasoo baxaan qodobbo muhiim u ah wiiqida ficillada bahalnimada leh ee ay gaystaan kooxaha argagaxisada ah.

 

 

 

Previous Post

Awdheegle: Guri lagu diyaarinayay walxaha Qarxa oo la bur buriyay

Next Post

Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Suudaan oo gaaray Itoobiya

Next Post
Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Suudaan oo gaaray Itoobiya

Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Suudaan oo gaaray Itoobiya

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

July 13, 2025
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas oo khuseeya sugidda Amniga Duulista Rayidka, heshiisyada ay Soomaaliya xubinta ka...

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

July 12, 2025
0

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha Dr Hodan Cusmaan Cabdi, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Beijing ku qaabishay saraakiil dowladeed oo...

Guddoomiyaha SoDMA iyo  Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay  Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha SoDMA iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamed Macalin Cabdulle, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweyne ku‑xigeenka Dowlad...

Wasaaradda Howlaha Guud ee Hirshabeelle oo dhagax-dhigtay dhismaha waddooyinka Beledweyne

Wasaaradda Howlaha Guud ee Hirshabeelle oo dhagax-dhigtay dhismaha waddooyinka Beledweyne

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Dowladda Hirshabeelle  Maxamuud Xasan Bariise, oo uu wehliyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In