Saturday, March 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay qaraxii ay Al-Shabaab ka geysteen duleedka Baydhabo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Dowladda oo Qalab Caafimaad iyo Dawooyin Gaarsiisay Degmada Xudur ee Gobalka Bakool
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxa si kulul loogu cambaareeyay Weerarkii Wuxushnimada ahaa ee Argagixisadu ku beegsadeen dad Shacab ah oo ku sugnaa goob laga cunteeyo oo ku taalla duleedka magaalada Baydhabo, halkaas oo ay ku dileen 5 qof, halka toban qof oo kalana ay ku dhaawacmeen.

Dowladdu waxa ay u tacsiyeyneysaa Qoysaskii ay Eheladooda ku waayay weerarkaas, waxayna Caafimaad taam ah u rajeyneysaa kuwii ku dhaawacmay.

Related posts

Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Finland oo warqadihii aqoonsiga laga guddoomay

Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Finland oo warqadihii aqoonsiga laga guddoomay

March 21, 2026
Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

March 21, 2026

Sidoo kale dowladda Soomaaliya waxa ay ammaan iyo bogaadin u soo jeedineysaa ciidamada amniga oo saakay ka hortagay weerar naftii halignimo ah oo ay kooxaha naflacaaridka ah qorsheynayeen in ay ku bartilmaameedsadaan dhismaha Xarunta Ciidamada Ilaalada Canshuuraha Berriga oo ku taalla dagmada Xamar jajab ee Gobalka Banaadir.

Hal qof oo ahaa ninkii waday gaariga Qaraxa lagu soo raray ayaa ku geeriyooda isku daygaasi, 6 qof oo ay ku jiraan ciidankii gaariga is-hortaagay ayaa ku dhaawacmay, waxaa sidoo kale burbur soo gaaray dhismaha xarunta oo dhawaan dib u dhis lagu sameeyay.

Dhammaan weeraradan ayaa tusaale cad u ah sida ay usii tabardareynayaan kooxaha xagjirka Soomaaliya, iyadoo ay taasi barbar socotay dhalliyarada kasoo laabaneysa fikirka xagjirka, oo uu ugu dambeeyay Maxamed Abuukar Maxamed oo ahaa Horjoogihii Al-Shabaab u qaabilsanaa dhinaca dhaqaalaha Gobalka Shabeellaha Hoose.

Halkan ka akhriso War-saxaafadeedka oo dhameystiran

WAR SAXAAFADEED 04-07-2020 — (1)

Previous Post

Safaaradda Soomaaliya ee Uganda oo markale Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa Uganda dib dalka ugu soo celiyo “SAWIRRO”

Next Post

Maamulka Degmada Xudur Ee Gobolka Bakool Oo Dhul Deegaan Ah Siiyey Dad Reer Guuraa Ah “SAWIRRO”

Next Post
Maamulka Degmada Xudur Ee Gobolka Bakool Oo Dhul Deegaan Ah Siiyey Dad Reer Guuraa Ah “SAWIRRO”

Maamulka Degmada Xudur Ee Gobolka Bakool Oo Dhul Deegaan Ah Siiyey Dad Reer Guuraa Ah “SAWIRRO”

Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Finland oo warqadihii aqoonsiga laga guddoomay

Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Finland oo warqadihii aqoonsiga laga guddoomay

March 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden, Cabdikarin Axmed Maxamed, ayaa toddobaadkan waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyay Madaxweynaha Finland, Alexander Stubb....

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

March 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th March, 2026 Read here..... 1- President Hassan Sheikh Mohamud...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

March 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Salaadda Ciidul Ftriga kula tukadey degaanka Gendershe Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo...

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

March 20, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, isla markaana ku guda jirta Todobaadka Gurmadka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In