Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay qarax dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Imaaraadka Carabta.
Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali ayaa si adag uΒ cambaareeyay weerarkii lagu qaaday magaalada Abu Dhabi.
βWaxaan si xoogan u cambaareynayaa weerarkii argagixiso ee maanta ka dhacay Abudubay, anigoo ku hadlaya magaca dowladda FS, waxaan tacsi u dirayaa dhibanayaasha iyo qoysaskooda, falalka argagixisanimadu waxay khatar weyn ku yihiin amniga gobolkaβ ayuu yiri mudane Cabdisiciid.











