Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya Oo Dad Qaba Dhaawacyo Halis ah U qaaday Boqortooyada Sacuudiga

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
June 21, 2017
in Wararka
0
Jawaabta Dowladda Federaalka ee ku aaddan baarista SOMA
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Afar iyo Toban Ruux oo shacab ah kana mid ahaa dadkii ku dhaawacmay qaraxyo kala duwan oo ka dhacay Gobolka Banaadir iyo qaar kamid ah Gobollada dalka oo  Xaaladooda Caafimaad dalka wax looga qaban waayey ayaa dalka Dibaddiisa loo qaaday Maanta.

Guddi uu u xilsaaray Ra’iisul  Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa soo Xulay dadkan kuwaas oo ku jiray qaar kamida Cuspitaalada Magaalada Muqdisho.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Dadka la qaaday oo qabay dhaawacyo halis ah oo dalka gudihiisa wax looga qaban waayay ayaa loo duuliyay dalka sacuudiga si loo soo daweeyo.

Agaasimaha  Cusbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho Dr Maxamed Yuusuf Oo xubin ka ah guddiga uu Ra’iisul wasaare Kheyre u xilsaaray soo xulista  Bukaannada ayaa sheegay in Dadkan xaaladooda Dalka waxba looga qaban waayey sidaasna ay ka liftay in Dalka dibaddiisa loo qaado.

Dhanka kale Dr Maxamed Yuusuf ayaa tilmaamay in dhawaan laga kaaftoomayo in Dhaawacyada Halista ah Dalka Gudahiisa wax looga qaban waayo iyada oo la-keenayo Qalab Casri ah taana ay garab ku siineyso Dowladda Soomaaliya.

Xasan Aadan Maxamed iyo Abuukar  Cabdi Warsame waxaa ay kamid yihiin Dadka loo qaadayo dalka Sacuudiga si-loogu soo daweeyo waxaana ay siweyn ugu Mahadceliyeen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi  Maxamed Farmaayo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Dowladda Boqortooyada Sacuudiga oo dadkan Soomaaliyeed ee dhaawacyada Halista ah qaba ee dalkeeda loo qaaday ayaa kamid ah Dowladdaha sida weyn Saaxiibka u la’ah Dowladda Soomaaliya waxaana ilaa iyo dhowr jeer oo hore Dalkaas loogu qaaday Askar iyo Dad kale oo Xaaladooda Caafimad Muqdisho wax looga qaban waayey.

 

Previous Post

Boqor Salmaan oo isbedel ku sameeyay hanaanka boqortooyada

Next Post

Maamulka Degmada Buur Hakaba oo ka warbixiyay xaaladda Degmada

Next Post
Maamulka Degmada Buur Hakaba oo ka warbixiyay xaaladda Degmada

Maamulka Degmada Buur Hakaba oo ka warbixiyay xaaladda Degmada

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In