Monday, June 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo dooneysa in la kala diro Guddiga xiriirka ka hortaga Burcad Badeeda Soomaaliya.

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo dooneysa in la kala diro Guddiga xiriirka ka hortaga Burcad Badeeda Soomaaliya.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Soomaaliya ayaa golaha amaanka qaramada midoobay ugudbisay qoraal ku saabsan in la kala diro guddiga xiriirka ka hortaga burcad badeed Soomaaliya kadib markii aan sedexdii sano la soo dhaafay aan dalka laga diwaan galinin kiis afduub ee xaabadaha dalka.

Danjiraha qaramada midoobay ufadhiya Soomaaliya Amb Abuukar Daahir Cismaan Baale oo wareysi gaar ah siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo jeedisay in la kala diro guddiga maadaama sedexdii sano ee la soo dhaafay in xeebaha dalka laga diwaan galin afduub iyo dhacdooyinka iyadoo sanadkii ugu dambeeyay aanan la araga isku day xattaa.

Related posts

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay Safiirka  Suudaan ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay Safiirka Suudaan ee Soomaaliya

June 28, 2026
Guddiga Qabanqaabada Toddobaadka Xorriyadda oo kormeeray xerada Jeneraal Gordon

Guddiga Qabanqaabada Toddobaadka Xorriyadda oo kormeeray xerada Jeneraal Gordon

June 28, 2026

“Sedexdii sano ee la soo dhaafay xeebaha Soomaaliya lagama diwaan galin kiis afduub Burcadeed taasi bedelkeeda dowladda Soomaaliya waxa ay urragtaa in laga maarmo Guddiga isla markaana loo baahanyahay in dib -u-eegis lagu sameeyo.

Sida qorshahu ahaa dhaqaalaha ku baxa guddiga waxaa ka mid ahaa in gudaha Soomaaliya laga dhiso xabsiyo iyo maxkamado lagu qaado dacwadaha dadka loo soo qabto kiisaska burcad badeeda hase ahaate waxa ay ka dhiseen dalalka Kenya Tanzania iyo siishilis waana sababta dowladda soomaaliya ay udooneyso in meesha la taaganyahay laga gudbo ayuu yiri Danjire abuukar Baale.

Danjiraha qaramada midoobay ufadhiya Soomaaliya Amb Abuukar Daahir Cismaan Baale waxaa sidoo kale uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka shaqeyneyo sidoo loo joojin lahaa kalluumeysiga sharci dara ah oo maraakiibta shisheeye ku hayaan gudaha dalka kuwa ku shuba wasaqda iyo sidii ay dowladda Soomaaliyeed awood ugu yeelan laheyd qaadista dacwadaha xeebadaha dalka ay uqaadi laheyd.

“Dowladda Soomaaliya waa ka go’antahay ka hortaga kalluumeysiga sharcidarada iyo maraakibta shisheeye ee wasaqda ku shubayo biyaha baddeyna iyo sidoo kale inay muujiso awooda qaadista dacwadaha ka dhasha dambiyada ka dhacda baddeyna gaar ahaa burcad badeeda iyo kuwa kale ee sharcidarada ah.

Danjire Abuukar Baale waxa uu sheegay in la joojiyay lacagtii lagu bixin jiray guddigaan sedexdii sano ee lasoo dhaafay isla markaana dowladda Soomaaliyeed ay golaha amaanka qaramada midoobay ka sugeyso in lakala diro taa bedelkeedana laga shaqeeya dhismaha ciidamada illaalada xeebadaha dalka .

“Waxaan ku guuleysanay inaan xayirno dhaqaalihii lagu bixin jiray waxaana waa bedelkeeda dooneynaa inaan dib udhis ku sameyno ciidanka illaada xeebaha si aan awoodeyna kor ugu qaadno.

Ugu dambeyntii Danjiraha qaramada midoobay ufadhiya Soomaaliya abuukar Daahir Cismaan Baale waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ula jeedada ugu horeysa ay tahay in masuuliyadda ilaallinta xeebaha Soomaaliya maadaama ay iyadu xaq uleedahay waajibna ay tahay in la helo ciidanka illaalada xeebadaha dalka.

hadalkaan ayaa yimid kadib markii uu wasiiru dowlaha arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, Mudane Balal Maxamed Cusmaan uu khudbad  ka jeediyay golaha amaanka qaramada midoobay oo looga hadlayay cusbooneysiinta hishiiska sanad kasto lagu cusbooneysiiyo howl-galka gudiiga .

 

Tags: Dowladda Soomaaliya oo dooneysa in la kala diro Guddiga xiriirka ka hortaga Burcad Badeeda Soomaaliya.
Previous Post

Warsaxaafadeed ku saabsan doorashada guddoonka guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer federaal.

Next Post

Madaxwayne Farmaajo oo bogaadiyay dadaallada Xukuumadda ee arrimaha doorashooyinka

Next Post
Madaxwayne Farmaajo oo bogaadiyay dadaallada Xukuumadda ee arrimaha doorashooyinka

Madaxwayne Farmaajo oo bogaadiyay dadaallada Xukuumadda ee arrimaha doorashooyinka

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay Safiirka  Suudaan ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay Safiirka Suudaan ee Soomaaliya

June 28, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta...

Guddiga Qabanqaabada Toddobaadka Xorriyadda oo kormeeray xerada Jeneraal Gordon

Guddiga Qabanqaabada Toddobaadka Xorriyadda oo kormeeray xerada Jeneraal Gordon

June 28, 2026
0

Guddiga Qabanqaabada Toddobaadka Xorriyadda iyo Midnimada Qaranka ayaa maanta kormeer ku tegay Xerada Jeneraal Gordon ee magaalada Muqdisho. Guddiga ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Itoobiya

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Itoobiya

June 28, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar shaqo ku gaaray, magaalada Addis...

Danjire Jaamac oo kulamo miro-dhal ah la qaatay Wasiirka Macdanta iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Burkina Faso

Danjire Jaamac oo kulamo miro-dhal ah la qaatay Wasiirka Macdanta iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Burkina Faso

June 28, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Burkina Faso, Danjire Jaamac Xasan Khaliif ayaa maanta kulan la qaatay Wasiirka Macdanta iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In