Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Muqdisho ku sheegay in ciidamada ammaanka ay ku howlanyihiin badbaadinta shacabka ay argagixisadu ka dhigteen gabaad.
Wasiirka ayaa xusay in hadafka ay ka leeyihiin weeraradan argagixiso uu yahay in qof Soomaali ah dantiisa heysta nolosha la dhaafiyo oo aysan jirin hadafkale ee ay leeyihiin argagixisadu, kuwaasi oo beegsanaya goobaha bulshada isugu timaado.
Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay weerarkii xalay, isagoo Alle uga baryay in kuwa ku dhaawacmay uu Alle bogsiiyo.
Wasiirka ayaa yiri “Dowladda Soomaaliya waxay had iyo jeer ku howlantahay, kana shaqeysaa, kow in dadka Soomaaliyeed Nabadooda, amnigooda ka shaqeyso iyo waxkasta horumar u noqon karo”.
“Runti xog muhiim ah ayan rabaa inaan la wadago Dadka Soomaaliyeed, waxaa suura gal ahayd in muddo intan aad iyo aad uga kooban in lagu soo afjaro arrinkaas, laakiin sida lagu yaqiinay waxay gaashaan ka dhigteen dad Soomaaliyeed, oo waxba galabsan, waxaan hubaa inay jiraan muuqaalo badan oo aad la wadaagi kartaan daawadayaashiina, muuqaaladaas oo muujinaya dhalinyarada Soomaaliyeed oo saraakiil ah oo soo badbaadinaya duqey Soomaaliyeed oo nimankaasi ay dab xir ka dhigteen ay soo furanayeen” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.
Wasiir Daahir Maxamuud Geelle ayaa shirkiisa jaraa’id ku xusay “Dadka madaniga ah ee aan ciidanka ahayn oo ay gaashaanka ka dhigteen soo badbaaadintooda ayaa xaaladdu dheereysay”.
“Dhanka kale waxaan rabaa inaan shacabka xusuusiyo, dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ma ahan wax loo garnaqi karo, rag shalay waxa ay soo abaabuleen saacadan iyo ka hor iyo maalmo ka sii horeysayba gawaari waxyaabaha qarxa la saaro, oo dalkan la keeno oo marka uu qarxo xigtadeeda ay noqoto qoryo iyo rasaas inta la qaato meesha uu ku qurxay dadka wixii haray iyo deeqda wixii u hartay lagu baabi’iyo iyo ciidamada dowladda oo hamigooduyahay kow inaan arinkaasi imaan oo gaarigaas meelkasta looga hortago oo dadku amaan helaan oo goobaha magaalada ka baxsan looga hortago, hadii ay dhacdo inay soo jiiraan sida xalay dhacdayba laga daba tego”. ayuu hadalkiisa ku daray Wasiirka Warfaafinta.
Ciidamada ammaanka ayaa ku guuleystay inay goobta ka soo badbaadiyaan tiro dad ah oo argagixisadu gabaad ka dhiganayeen.
Halkan ka dhageyso Shirka Jaraa’id ee uu qabtay Wasiirka Warfaafinta