Siihayaha Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Sacid Xamsa ayaa hambalyo u diray Barnaamijka Cuntada Aduunka Qaramada Midoobay ee WFP oo sanadkan 2020-ka ku guuleystay Abaalmarinta Caalamiga ah ee Nabadda ee loo yaqaano Nobel Peace Prize.
โAniga oo ku hadlay magaca Dowladda Soomaaliya, waxaan hambalyo u dirayaa WFP dadaalka xooggan oo ay sameeyeen ee dhinaca naf badbaadinta iyo ka hortagga macluusha, iyadoo ay jirto duruufaha gaarka ah eek a dhashay COVID-19, ayuu yiri Mudane Xamsa Saciid Xamsa, Siihayaha Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka.
Heyโadda cuntada adduunka ee loo yaqaanno WFP ayaa intii ay colaadaha ka jireen dalka waxa ay sii waday dadaallada gurmadka, iyado oo bixineysay gargaar beniโaadannimo oo cunto ah, isla markaana taageereysay dadka nugul sida haweenka iyo caruurta.
Inkasta oo shaqada ugu badan ee heyโadani ahayd gargaarka, hadana howlaha ay sameysay ayaa wax weyn ka taray xoojinta iyo abuurista fursad xasilooni iyo nabad iyo in laga baaqsado in gaajada noqoto hub lagu horiyo colaadaha.
โInti uu jiray COVID-19 oo ay inoo wehlisay xaaladaha sida fatahaado ka dhacay meelo ka mid ah dalka, WFP waxay Dowladda Soomaaliya ka taageertay in la caawiyo malaayiin Soomaali ah oo qatar ugu jiray macluul,โ ayuu hadalkiisa ku daray Xamsa Sacid Xamsa.
โWaxaan si gaar ah amaan u jeedinayaa Shaqaalahaย WFP ee Soomaaliya ka shaqeeya dadaalka aan daalka lahayn iyo shaqada wanaagsan oo ay ka hayaan dhammaan deegaannada Soomaaliyaโ. Ayuu yiri Wasiir Xamsa Sacid Xamsa.
Halkan ka akhriso War-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda