Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiro iyo Xildhibaanno Ka Tirsan Galmudug Oo Daahfuray Ceel Laga Qoday Deeaanka Hul-kujir “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Wasiiro iyo Xildhibaanno Ka Tirsan Galmudug Oo Daahfuray Ceel Laga Qoday Deeaanka Hul-kujir “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ka qayb galay Daahfur loo sameeyay Ceel matoor laga hirgaliyay Deegaanka Hul-kujir oo isku tashi bulsho lagu qoday.waxaana deegaanka hadda laga qoday ceelkan kahor uu ahaa mid oomane ah oo dadka iyo xoolaha ay biyo la’aan ku qabeen.

Dadka isku tashiga ku qoday ceelkan oo ahaa bulsha ka soo jeeda deegaanka ayaa daahfur u sameeyeen furitaankiisa waxaa kala soo qayb galay Wasiiro iyò Xildhibaanno ka tirsan Galmudug, Ganacsato Maamulada Magaalooyinka Caabudwaaq iyo Xeraale iyo Ugaas Maxamed Ugaas Axmed.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 26, 2026
Ururka JSP oo  olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

Ururka JSP oo olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

September 26, 2026

Guddoomiyaha Degmada Caabudwaaq Mahad Cumar Cilmi iyo Sheekh Cabdikariin Xasan Aadan oo ka tirsan mas’uuliyiinta Maamulka Xeraale ayaa si wada jira u soo dhaweeyay ceelka cusub oo ay shegeen in si wada jira ay uga fa’aiidaysan doonaan dadka iyo Xoolaha.

Quulle Uurdoox Shaaciye iyo Faysal Qorane oo ka mid ahaa dadka deegaanka ee qaybta ku lahaa hirgelinta Ceelkaan ayaa warbixin iyo Codsi la xariira Ceelkan la wadaagay dadkii ay ku casuumeen furitaankiisa.

Maamulaha Shirkadda Hormuud Faarax Axmed Cali, Xildhibaan Farxiyo Xasan Cali iyo Xildhibaan Xasan Kaynaan oo ka nid ahaa mudanayaasha Baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay inay qayb ka qaadan doonaan dhamaystirka baahiya ka dhiman Ceelka.

Wasiir ku-xigeenka Macdanta iyo Biyaha ee Dowlad Goboleedka Galmudug Daahir Salaad Guuleed, Wasiir ku xigeenka Boostada Galmudug Cabaas Xuseen Cali iyo Wasiiru Dawlaha Wasaaradda hawlaha Guud ee Galmudug Mahad Xasan Sheekh Yuusuf ayaa bulshada ku booriyay inay joogteeyaan dadaalada ay dhexdooda wax isugu qabanayaan.

Nabadoon Axmed Garbacune iyo Aqoonyahan Cabdiraxmaan Kaligi duul ayaa sheegay inay uga wada mahadcelinayaan dadkii taaba galshay Ceelkaan

Wasiirka Wasaaradda Masiibooyinka iyo Gargaarka Galmudug Cadiraxmaan Maxamed Diiriye Makaawi iyo Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo dibu Heshiisiinta Galmudug Cabdi Waayeel ayaa ugu baaqay bulshada deegaanka inay nabad ku wada cabaan biyaha ceelka.

Gaba gabadii Ugaas Maxamed Ugaas Axmed ayaa waxaa uu u mahadceliyay dadka ka qayb galay hirgelinta ceelkan

W/D: Cabdikariin Bulxan (Caabudwaaq)

Previous Post

Dowladda Soomaaliya Oo Hambalyo U Dirtay Hay’adda WFP Oo Ku Guuleysatay Abaalmarinta Caalamiga Ah Ee Nabadda

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay u...

Ururka JSP oo  olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

Ururka JSP oo olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

September 26, 2026
0

Xubno sare oo ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) oo ay Hogaaninneeysay Senator Duniyo Maxamed Cali ayaa olole doorasho...

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

September 26, 2026
0

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay Sophos Sophianos, Madaxa Barnaamijyada ee Hay’adda UN-Habitat Somalia, oo booqasho shaqo ku...

Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

September 26, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In