Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeyee” oo La Hadlay Radio Muqdisho ayaa Sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka xuntahay islamarkaana ay ka tacsiyeyneyso Dad Soomaaliyeed oo waxyeelo ka soo gaartay Duqeymo ka dhacay Dalka Yemen.
Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in ay ka war heleen in diyaaradaha Isbaheysiga ah duqeyn ay ka geysteen Dalka Yemen Gaar ahaan meel u dhexeysa Xerada Al Kharaz iyo magaalada Cadan ay ku dhinteen Dad muwaadiniin Soomaaliyeed ah oo ku safrayay halkaasi.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeyee” ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka xuntahay Dhibaatada soo gaartay dadkaasi Soomaaliyeed ee qaxootiga ku ahaa Dalka Yemen, waxaana dadka Soomaaliyeed uu ugu baaqay in ay garab istaagaan dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan dalalka Caalamka oo ay ugu horeyso Yemen.
Kumanaan qaxooti ah ayaa u surtogashay in ay iskood uga soo baxsadaan colaada Yemen iyagoo dhinaca Badda ka soo raacaya doomo.