Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Warsaxaafadeed:-Wasaaradda Arrimaha Gudaha Oo Sheegtay in aysan Dowladda faragelin ku heyn Shirka Gobollada Dhexe

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
April 29, 2015
in Wararka
0
Warsaxaafadeed:-Wasaaradda Arrimaha Gudaha Oo Sheegtay in aysan Dowladda faragelin ku heyn Shirka Gobollada Dhexe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

                                                                                            Taariikh: April 29, 2015

Ujeeddo:- Warsaxaafadeed

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalku, waxaa maantay oo ay taariikhdu tahay 29/04/2015, ay soo saartay Warsaxaafadeed, ku saabsan arrin ka soo yeertay qaar ka mid ah saxiixayaasha Shirka Maamul u Sameynta Gobollada Mudug iyo Galgaduud uuna ku eedeeyey in Dowladda Federaalku faragelin ku heyso shirka isla markaasna uu ku dhaliilay in Guddiga Farsamada Maamul U Sameynta Gobollada Dhexe ay ku guul dareysteen shaqadii loo igmaday.

Hadab waxaa halkaan Wasaaradda Arimaha Guduhu ku cadeynaysaa in aysan Dowladda Fedelaalku marnaba faragelin ku hayn Shirka Gobollada Dhexe, doorkeeduna uu yahay oo kaliya fududeynta qabsoomida Shirkaas iyo weliba sidii uu ku guuleysan lahaa.

Sidoo kale Wasaaraddu waxey cadeynaysaa in Guddiga Farsamada Maamul u Sameynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud uu yahay mid u madax banana, awood buuxdana u leh inuu go’aan ka gaaro mas’uuliyadda loo idmaday, isla markaana u tababaran inuu guto waajibaadka loo xil saaray.

Ugu dambeyn, Wasaaraddu waxey uga digaysaa farageinta qaar musharixiinta ka mid ah ay ka hayaan shaqada Gudiga Farsamad, ayna ixtiraamaan habsami u socodka shirka, taasoo ah tan kaliya ee shirku ku najixi karo.

Wada shaqayn wacan

Agaasimiaha Xiriirka ee

Wasaaradda Arimaha Gudah

Cabdifatah Cali Xasan

 

 

 

Previous Post

Dowladda Soomaaliya Oo Ka Tacsiyeysay Dad Soomaaliyeed Oo Ku Dhintay Duqeyn Ka Dhacday Yemen

Next Post

Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Boostada Oo Booqday Xarunta hey’adda Isgaarsiinta ee dalka Kenya “Sawirro”

Next Post
Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Boostada Oo Booqday Xarunta hey’adda Isgaarsiinta ee dalka Kenya “Sawirro”

Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Boostada Oo Booqday Xarunta hey'adda Isgaarsiinta ee dalka Kenya "Sawirro"

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u qaabilsan...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka...

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

July 14, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir Guddoominaya kulanka ay yeelanayaan Wasiirada Maaliyadda Madasha dalalka...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

July 14, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Aden, ayaa maanta si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In