RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xamse Aadan, ayaa sheegay tilmaamay in Soomaaliya ay fadhiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay bishan ay door weyn ka qaadatay, iska difaacidda iyo ka hortagga damaca Israa’iil.
Wuxuu xusay Xoghayuhu in Soomaaliya ay si firfircoon uga shaqeysay difaaca qaddiyadaha Carabta iyo Islaamka, gaar ahaan arrimaha la xiriira Falastiin.
Xamse Aadan ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay muujisay mowqif cad oo ku saleysan caddaalad, sharci caalami ah iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha, taas oo keentay in codkeedu noqdo mid miisaan leh inta lagu guda jiray doodaha Golaha Ammaanka.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in hoggaamintaasi ay sare u qaadday doorka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo sumcadda ay ku leedahay beesha caalamka.










