Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo maanta ku dhawaaqday hay’ad dib u dejin u sameynaysa dadka ka soo laabanaya Xerooyinka Dhadhaab

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad lagu soo bandhigayey hay’ad ka shaqeyn doonta dib u dejinta iyo takulaynta Qaxootiga Soomaalida ee dib loogu soo celinaayo dalka Soomaaliya iyo barakacayaasho, oo lagu qabtay xarunta Xalane ee magalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay xubo katirsan golihi wasiiradda xukuumadii kalsoonida ka waysay Barlamaanka federalka Soomaaliya, mas’uuliyiin ka socotay laanta Qaramada Midoobay Qaxootiga iyo marti sharaf munaasabadda lagu cazuumay.
Hay’addan oo loogu magac daray hay’adda Takulaynta Qaxootiga iyo barakacayaasha ayaa hoos imanaysa Wasaarda Arrimaha gudaha Soomaaliya iyadoona doorka ugu wayn ka qadan doonta dib u dejinta dadka qaxootiga ah e ee qaybihii ugu horeyey ay dhowaan soo gareen gobolada Jubbooyinka ee Koonfurta Soomaaliya.
Agaasimaha wasaardda cafimaadka Soomaaliya Maxamed Cabdi Faraax oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka hadalay munaasabaddaasi ayaa sheegay in wasaarada caafimaadka Soomaaliya ay u diyaar gadowday sidii dadkaasi ay u heli lahaayeean caafimaadka tayo wanaagsan oo lamid ah kii ay ku hayseen Xerooyinka Qaxootiga Dhadhaabb ee dalka Kenya.
Sii-hayaha xilka Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud dib u dhiska Soomaaliya Marwo Nadiifo Maxmaed Cismaan ayaa shaaca ka qaaday in ay Wasaarada Howlaha Guud ay samaysay qorshe dib u dejin loogu samaynayo dadkaasi Soomaalida ah.
Dr C/raxmaan Ducaale Bayle sii-yahayaha xil Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Dhiigi galinta maal gashiga Soomaaliya ayaa goobta ka sheegay in ay farxad weyn u tahay in dadka Soomaaliyeed oo muddo dheer ku noolaa Xero Qaxooti ay doortaan ay dib ugu soo laabtaan dalkooda Hooyo taasi oo muujinaysa sida Soomaaliya ay ugu soo kabanayso colaadihii sokeeye oo dalka ragaadiyay.
“Soomaaliya waxa kaliya oo ka maqan waa nabad nabadii hadii la helo waxkasta oo aduunka yaalo halkan Soomaaliya waa laga helayaa” ayuu yiri Dr Beyle sii-hayaha Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya.
Sidoo kale Sii-hayaha xilka Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Fedralka Soomaaliya Cabdulaahi Godax Barre oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ka badan 10 kun oo Qaxooti Soomaaliyeed ay go’aansadeen in ay dib ugu soo laabtaan dalkooda Hooyo ee Soomaaliya.

“Sedax qeybood oo dadkaasi kamid ah ayaa dhowaan soo gaaray gobolada Jubbooyinka waxaana dadka intooda badan la dejin doonaa gobolada Jubbooyinka Bay iyo Gedo, waxaana la kaashanayaa dib u dejinta dadkaasi Soomaaliyeed Hay’adaha Qaramada Midoobay ,5 Milyan oo Yuuro waxaan noo balan qaaday Bangiga Aduunka” ayuu sheegay C/laahi Goodax Barre sii-hayaha Wasiirka Arrimaha gudaha.
Ku dhawaan qista hay’dan ayaa ku soo beegnaysaa iyadoo lagu wado in dalka Soomaaliya ay soo garaan 10 kun oo Qaxooti Soomaalida oo muddo 20 sano ka badan ku noolaa xerooyinka Qaxootiga dhadhaab ee dalka Kenya.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
Previous Post

Guddiga Qabanqaabada Doorashadda Rugta Ganacsiga Puntland oo Shaaciyay Shirkadaha ka Qaybgalaya Doorashadda iyo Shuruudaha Musharixinta. 

Next Post

Dhegeyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhegeyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In