Wednesday, November 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo joojisay Duulimaadyadii Qaadka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Haween Ka Tanaasulay Ka Ganacsiga Qaadka Oo Barnaamij Shaqo Abuur  Ah Loo Sameeyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada Soomaaliya mudane Cali Axmed Jaamac  “jingali” oo la hadlay Warbaahinta Qaranka, ayaa sheegay in si KMG ah ay dowladda Soomaaliya u hakisay duulimaadyadii diyaaradaha qaadka ee dalka Kenya.

Wasiir Jingali ayaa xusay in maalintii shalay Maareeyaha Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Soomaaliya uu wargalin gaarsiiyay shirkadaha diyaaradaha kuna wargaliyay laga billaabo maalinta barito oo ay taariikhdu ku beegantahay 06 Sep 2016 hakad la galiyay diyaaradaha qaadka ee ka yimaada dalka Kenya.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyey shacabka Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyey shacabka Soomaaliyeed

November 17, 2026
Guddoomiyaha SoDMA  oo kulan la yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Q.M

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Q.M

November 17, 2026

Mudane Jingali ayaan faahfaahin ka bixin sababaha dowladda Soomaaliya ay Go’aankaan u qaadatay, isagoo meesha ka saaray Su’aal ay SONNA ka weydiisay in Shir Madaxeedka IGAD ee 10-ka bishaan ka furmaya magaalada Muqdisho aysan arrintaan wax lug ah ku ladahey.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in go’aankaan uu wada saameyn doono dhammaan Hawada Soomaaliya, tallaabo adagna laga qaadi doono ciddii ku soo xadgudubta hawada Dalka.

Previous Post

Turkiga wuxuu soo celinayaa cilaaqaadkii uu la lahaa Masar iyo Suuriya

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Madaxweynaha JFS oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyey shacabka Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyey shacabka Soomaaliyeed

November 17, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed u jeediyay khudbad uu kaga hadlay xaaladda dalka, gaar...

Guddoomiyaha SoDMA  oo kulan la yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Q.M

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Q.M

November 17, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa kulan la yeeshay Dr. Jean Chrysostome Ngabitsinze, Kaaliyaha Xoghayaha...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo soo dhaweysy go’aanka Mareykanku uu sannad kale ugu cusbooneysiiyey maalgelinta Xafiiska (UNSOS)

November 16, 2026
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si diirran u soo dhaweyneysaa go’aanka Mareykanku uu sannad kale ugu cusbooneysiiyey maalgelinta Xafiiska Taageerada Qaramada...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka COP31

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka COP31

November 16, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ka qaybgalay dood heer sare ah oo ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In