Dowladda Soomaaliya ayaa waxay ay warbaahinta la wadaagtay, hubkii ugu badnaa ee Khawaarijta looga furtay, hawlgalkii gobolka Shabeellada Hoose ee dib-u-soo gacan gelintii dowladda Bariire. Hawlaglkaasi oo ahaa mid aad u ballaaran ayaa ciidamada Qaranka waxaa ku wehlinayay saaxiibada Uganda ee UPDF .
Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed General Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa booqasho ku tagay, gododkii iyo xarumihii maleeshiyaadka Khawaarijta laga saaray, iyada oo lagu arkayay meydadka maleeshiyaadkii lagu dilay intii hawlgalku socday, halkaa oo lagu soo bandhigay hubka noocyadiisa kala duwan ee looga furtay Khawaarijta.
Bariire ayaa ahayd meel ay dhagarta shacabka Soomaaliyeed uga soo maleegaan Kahwaarijtu, balse hadda si toos ah ugu soo wareegtay gacanta dowladda Soomaaliya, ciidamada Qaranka ayaana ka wada hawlgallo amni xaqiijin ah.