Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo War ka soo saartay Hawl-gal lagu khaarajiyay Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
March 19, 2020
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo War ka soo  saartay Hawl-gal lagu khaarajiyay Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

15-ka Maarso, 2020 Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa ciidanka AFRICOM ee Mareykanka iyo ciidamada AMISOM ayaa shan (5) weerar oo cirka ah ku qaadey agagaarka magaalada Jannaale.

Weerarka cirka ah ayaa looga danlahaa in lagu taageero ciidamada AMISOM iyo kuwa Xoogga Dalka intii lagu gudajiray duullaankii loodhamaa ee kooxda argagaxisada ee Alqaacida xiriirka la leh ee Alshabaab looga xoreynayey magaalada Jannaale.

Related posts

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025

Weerarradan cirka ah ayaa lagu dilay dhawr xubnood oo Alshabab ah, islamarkaana waxaa lagu wiiqay awoodda Alshabaab kusoo weerarikaraan AMISOM iyo Xoogga Dalka. Wadashaqeyntii ka dhaxeysay AMISOM iyo Xoogga Dalka ee duulaankii lagu qabtay Jannaale ayaa muujinaya hufnaanta iyo meelmarka sida ay uga go’antahay ciidamada huwanta caalamiga ee u yimi inay jabiyaan kooxda argagaxisada ah ee Alshabaab. 

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo muwaadiniinteeda ay matasho ayaa aad uga mahadcelinaya taageerada ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ee kasoo jeeda Ugandha ee lagu xoreeyey dadka Soomaaliyeed magaalada Jannaale. 

Dowladda Soomaaliya ayaa waxay u mahadcelinaysaa geesiyadii rag iyo dumarba lahaa ee ciidanka Xoogga Dalka oo runtii muujiyey dadaal dheeri ah duulaankii Jannaale looga cayriyey kooxda dabadhilifka u ah Alqaacida ee Alshabaab.

Hubin lagu sameeyey weerarradan ayaa lagu ogaaday in aysan jirin cid shacab ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay. 

 

Previous Post

Horjoogihii Al-shabaab u qaabilsanaa Canshuuraha Jannaale oo gacanta lagu dhigay

Next Post

Liiska Golaha Barlamaanka 2-aad ee Koofur-galbeed oo maanta lagu dhawaaqay

Next Post
Liiska Golaha Barlamaanka 2-aad ee Koofur-galbeed oo maanta lagu dhawaaqay

Liiska Golaha Barlamaanka 2-aad ee Koofur-galbeed oo maanta lagu dhawaaqay

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay...

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha Dalka Soomaaliya ee...

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

July 11, 2025
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlaayey...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

July 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudsne. Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In