Saturday, January 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay howlgal lagu dilay maleeshiyada ka tirsan Al-shabaab

caqiil by caqiil
3 years ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay howlgal lagu dilay maleeshiyada ka tirsan Al-shabaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

In ka badan 30 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab ayay ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ku dileen deegaanka Abooreey oo qiyaastii 25Km dhanka bari kaga beegan degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan.

Ciidanka Xoogga dalka ayaa xalay abaaro labadii habeenimo saq dhexe dagaal kula galay Maleeshiyaadka Argagixisada Al-Shabaab deegaanka Abooreey, ciidanka xoogga dalka oo sii haayay xogta dhagarta Argagixisada ayaa gaarsiyay jab xoog leh, iyada oo dhanka kale ay dhaawacyo soo gaareen shan askari oo ka tirsan ciidanka xoogga.

Related posts

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay wadada Cabdiqaasim ee degmada Hodan

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay wadada Cabdiqaasim ee degmada Hodan

January 24, 2026
Taliyaha Ciidamada Dhulka XDS oo booqday deegaanno laga xoreeyay Khawaarijta

Taliyaha Ciidamada Dhulka XDS oo booqday deegaanno laga xoreeyay Khawaarijta

January 24, 2026

Deegaanka Abooreey oo ay dhowaan la wareegeen ciidanka xoogga dalka ayaa ahaa goob muhiim u ahaa marinka Argagixisada ay isaga kala gudbi jireen deegaanada bari iyo qaybaha kale ee dalka.

Dagaaladii ugu danbeeyay ee ciidanka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo iskaashanaya ay la galeen Argagixisada waxaa lagu dilay in ka badan 150 dhagar qabeyaal Al-Shabaab ah, waxaana laga saaray deegaanno badan oo Argagixisadu ay ku gumaadi jireen shacabka.

Dowladda Soomaaliya waxa ay u mahad celinaysaa dadkeeda oo si dhow ugula shaqeynaya dagaalkan lagu soo afjarayo argagixisada. Maleeshiyada la qalday ee Alshabaab waxay dowladda u sheegaysaa in wadada kaliya ay uga badbaadin karaan hawlgaladaan ay tahay in ay isku soo dhiibaan dowladda, dadkoodana ka mid noqdaan.

Previous Post

Tajikistan oo dhigeeda Kyrgyzstan ku eedaysay Dagaalada dib ugu bilowday labada dal

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay wadada Cabdiqaasim ee degmada Hodan

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay wadada Cabdiqaasim ee degmada Hodan

January 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Sabtida maanta ah dhagax-dhigay dhismaha...

Taliyaha Ciidamada Dhulka XDS oo booqday deegaanno laga xoreeyay Khawaarijta

Taliyaha Ciidamada Dhulka XDS oo booqday deegaanno laga xoreeyay Khawaarijta

January 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLADA HOOSE):-Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa gaaray deegaanno ka tirsan Gobolka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xalay caasimadda kula caweeyay bulshada Soomaaliyeed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xalay caasimadda kula caweeyay bulshada Soomaaliyeed

January 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa booqday mid ka mid ah goobaha nasiinada ee magaalada...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo dalka Qatar kula kulmay saraakiil Soomaaliyeed oo ka qalin-jabiyay kuliyadda Booliska ee Qatar

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo dalka Qatar kula kulmay saraakiil Soomaaliyeed oo ka qalin-jabiyay kuliyadda Booliska ee Qatar

January 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO(QATAR):-Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In