Friday, April 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Sri Lanka oo mamuucaysa xirashada jilbaabka

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
5 years ago
in Wararka
0
Dowladda Sri Lanka oo mamuucaysa xirashada jilbaabka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dalka Sri Lanka ayaa mamnuucaya xirashada jilbaabka sidoo kalena waxaa la xiri doonaa 1,000 madaraso oo lagu barto diinta Islaamka, talaabadan ayaa si weyn u sameyn doonta muslimiinta tirada yar ee dalkaas ku nool.

Wasiirka nabad geliyad guud Sarath Weerasekera ayaa shir jaraa’id ka sheegay sabtida maanta ah ka dib markii jimcihii shalay golaha wasiirada ansixiyeen go’aankan, waxaana lagu sababeeyay sugidda amniga qaranka.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

April 9, 2026
Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS  oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

April 9, 2026

Sidan oo kale dowladda ayaa 2019 joojisay xirashada jilbaabka ka dib markii qaraxyo lagu beegsaday Kiniisado iyo Hoteelo ku yaala dalka Sri Landka, kuwaas oo lagu dilay in ka badan 250 ruux.

Muslimiinta Sri Landka ayaa go’aanka dowladda u arka mid xadgudub ku ah xuquuqdooda diineed iyo tan muwaadin.

Weerasekera ayaa sheegay in dowladda sidoo kale mamnuuceyso 1,000 madaraso, kuwaas oo uu ku eedeeyay in ay jabiyeen siyaasadda waxbarashada dalka, sida uu hadalka u dhigay.

“Qofna inta dugsi furto waxa uu rabo ma bari doonto carruurta,” ayuu yiri wasiirka.

Mamnuucista jilbaabka ay xirtaan gabdhaha muslimiinta ayaa daba socda go’aan dowladdu soo saartay sanadkii hore oo ahaa in qof kasta oo coronavirus u dhinta la gubo, go’aankaas oo ka soo hor jeeda sharciga islaamka.

Laakiin go’aankaas ayaa meesha laga saaray markii dowladda dhaleeceyn caalami ah  kala kulantay Mareykanka iyo kooxaha xuquuqul insaanka.

Previous Post

Maamulka Goboolka Banaadir oo carruur Soomaaliyeed ka caawiyay caafimaad dibadda ah “SAWIRRO”

Next Post

DEG DEG: Diyaarad milatiri oo ku burburtay dalka Kazakhstan

Next Post
DEG DEG: Diyaarad milatiri oo ku burburtay dalka Kazakhstan

DEG DEG: Diyaarad milatiri oo ku burburtay dalka Kazakhstan

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

April 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray magaalada Tripoli, caasimadda...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS  oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

April 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta kormeer howleed ku tagtay xarunta Tuullada...

Madaxweynaha JFS oo u hambalyeeyay Garsoore Cumar Cartan oo ka mid noqday garsoorayaasha koobka Adduunka

Madaxweynaha JFS oo u hambalyeeyay Garsoore Cumar Cartan oo ka mid noqday garsoorayaasha koobka Adduunka

April 9, 2026
0

Madaxweynaha JFS, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan, kadib markii uu noqday garsoorihii...

Raktarka Jaamacadda Ummadda oo ka qeybgalay shir muhiim ah

Raktarka Jaamacadda Ummadda oo ka qeybgalay shir muhiim ah

April 9, 2026
0

Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed, ayaa ka qayb galay shir muhiim ah oo ku saabsan isbeddellada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In