Tuesday, December 30, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Turkiga oo taageertay madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
1 hour ago
in Wararka
0
Dowladda Turkiga oo taageertay madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Turkiga ayaa si weyn u garab istaagtay madax-bannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS), iyadoo tallaabadan lagu tilmaamay mid muhiim u ah ilaalinta qaranimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. Dowladda Turkiga ayaa sidoo kale ku sheegtay faragelinta Israa’iil ee Soomaaliya mid aan la aqbali karin.

 

Related posts

Degmooyinka Galmudug ayey ka dhaceen isu soo baxyo waaweyn oo lagu difaacayo midnimada dalka

Degmooyinka Galmudug ayey ka dhaceen isu soo baxyo waaweyn oo lagu difaacayo midnimada dalka

December 30, 2025
Dowladda Faransiiska oo ka hortimid kala qaybsanaanta Soomaaliya

Dowladda Faransiiska oo ka hortimid kala qaybsanaanta Soomaaliya

December 30, 2025

Dowladda Turkiga ayaa boggaadisay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan ku aaddan xoojinta amniga, nabadgelyada, iyo horumarinta adeegyada bulshada.

 

Hadalkan waxaa ka jeediyay Dowladda Turkiga kulankii degdegga ahaa ee Golaha Qaramada Midoobay (QM), oo ay Soomaaliya codsatay, si looga wada hadlo faragelinta Yahuuda iyo khataraha ka dhalan kara haddii lagu xad-gudbo madax-bannaanida Soomaaliya.

 

Turkiga ayaa caddeysay inay si dhab ah u garab taagan tahay JFS, isla markaana ay taageersan tahay dadaallada dowladda ee la xiriira ilaalinta madaxnaanideeda.

 

Ugu dambayn, Dowladda Turkiga waxay ku boorisay beesha caalamka in la dhowro shuruucda caalamiga ah iyo mabaadi’da ku saleysan madax-bannaanida dalalka Caalmaka iyadoo xaqiijisay mowqifkeeda joogtada ah ee ku aaddan taageerada Soomaaliya iyo nabadda gobolka.

Previous Post

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) oo si wadajir ah u diiday faragelinta Israel ee midnimada Soomaaliya.

Next Post

Dowladda Faransiiska oo ka hortimid kala qaybsanaanta Soomaaliya

Next Post
Dowladda Faransiiska oo ka hortimid kala qaybsanaanta Soomaaliya

Dowladda Faransiiska oo ka hortimid kala qaybsanaanta Soomaaliya

Degmooyinka Galmudug ayey ka dhaceen isu soo baxyo waaweyn oo lagu difaacayo midnimada dalka

Degmooyinka Galmudug ayey ka dhaceen isu soo baxyo waaweyn oo lagu difaacayo midnimada dalka

December 30, 2025
0

Kummanaan shacab ah oo kasoo horjeeda xadgudubka Israa’iil ayaa isugu soo baxay gobolada iyo degmooyinka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug....

Dowladda Faransiiska oo ka hortimid kala qaybsanaanta Soomaaliya

Dowladda Faransiiska oo ka hortimid kala qaybsanaanta Soomaaliya

December 30, 2025
0

Dowladda Faransiiska ayaa xalay ka hor caddeysay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (QM) mowqifkeeda ku aaddan inaysan ogolaaneyn in Jamhuuriyadda...

Dowladda Turkiga oo taageertay madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya

Dowladda Turkiga oo taageertay madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya

December 30, 2025
0

Dowladda Turkiga ayaa si weyn u garab istaagtay madax-bannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS), iyadoo tallaabadan lagu tilmaamay mid...

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) oo si wadajir ah u diiday faragelinta Israel ee midnimada Soomaaliya.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) oo si wadajir ah u diiday faragelinta Israel ee midnimada Soomaaliya.

December 30, 2025
0

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) ayaa Isniintii si wadajir ah u diiday aqoonsiga Israa’iil ee maamulka Somaliland, kaddib markii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In