Thursday, September 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dr. Cabdiraxnan Al-Sumayd – u adeegihii fuqara Afrika – dhaxal dahabi ah ayuu uga tegay dadkayga & dalkayga Hooyo!

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Dr. Cabdiraxnan Al-Sumayd – u adeegihii fuqara Afrika – dhaxal dahabi ah ayuu uga tegay dadkayga & dalkayga Hooyo!
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dr. Cabdiraxmaan Xamuud Al-Sumayd wuxuu ku dhashay kuna barbaaray dalka Kuweyt Sanadkii 1947-dii. Wuxuu Shahaadada Koobaad ee Jaamacadda ka qaatay Jaamacadda Baqdaad ee dalka Ciraaq oo uu ka bartay Cilmiga Caafimaadka iyo Qaliinka Guud, kadibna wuxuu Jaamacaddda McGill ee dalka Canada uga takhasusay Cudurada ku dhaca Uur-ku-jirka iyo Dheef-shiidka. Wuxuuna kasoo shaqeeyay Isbitaallo ku kala yaalla Canada, Kuwayt iyo Ingiriiska.

Mar uu safar ku tegay dalka Malaawi oo dhaca qaaradda Afrika ayuu kusoo arkay Malaayiin Sabool ah oo ay daashadeen Faqri, Cuduro iyo Jahli, wuxuuna Indhihiisa kusoo arkay Hey’ado Kirishtan ah oo dadkaas gargaar siinaya, balse baahida heysa uga faa’ideysanaya inay Kirishtaameyan, wuxuna bilaabay inuu har iyo habeen ka fikiro sidii uu farqiga iyo jahliga uga badbaadin lahaa dadka ku nool qaaradda Afrika.

Related posts

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026

Sanadkii 1981-dii wuxuu Dr. Cabdiraxmaan aasaasay Hey’adda Africa Muslims Agency(Lajnatu Muslimii Ifriiqiya), oo waagii dambe Magaceeda u bedeshay Direct Aid(Al-Coownul Mubaashir) oo ah Hey’ad Samofal oo gargaarka iyo faafinta dawcada Islaamka ka fuliso qaaradda Afrika.

Ku dhowaad 30-sano oo uu Shiikhu Afrika shaqadaan ka weday waxaa sababtiisa kusoo islaamay in ka badan 11-Milyan oo qof. Al-Samiid wuxuu Afrika ka dhisay 5700 oo Masjid, wuxuu ka qoday 9500 oo Ceel, wuxuuna ka aasaasay 860-Iskuul iyo 4-Jaamacadood, wuxuu ka furay 204-xarumood oo lagu barto Diinta Islaamka, wuxuuna qarashka waxbarashada ka dhiibay in ka badan 95-Kun oo Afrikaan ah.

Dhanka Soomaaliya, kadib heshiis dhex-maray Hey’adda Direct Aid iyo Wasaaraddii arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayay hay’addu xarun ka furtay Muqdisho 1986-kii, balse burburkii dowladdii dhexe iyo dagaalkii dhex-maray Kuwayt iyo Ciraaq ayaa sababay inuu xafiiskaasi xirmo bilaawgii 1991-dii, waxaana dib loo furay dhammaadkii 1992-dii, wuxuuna xafiisku xoogga-saaray waxbarashada, daryeelka Agoonta iyo hirgilinta mashaariic horumarineed iyo kuwo dhismayaal ah oo uu ka fuliyay Todobo gobol.

Dhanka waxbarashada, burburkii kadib wuxuu xafiiska Hey’addu magaalada Muqdisho ka furay Iskuulada Tadaamun, Abuu-Xaniifa, Maxamud-Xarbi iyo Axmed-Gurey; Beledweyne wuxu ka furay Iskuulka Sh. Maxamed Macalin iyo Al-Aqsa; Buula-mareer wuxuu ka furay Iskuulka Al-Faaruuq; Kismaayo wuuu ka furay Iskuulka Faanoole; Magaalada Hargeysa wuxuu ka furay Iskuullada Irshaad, Gobolka Waqooyi-Galbeedna wuxuu ka furay Iskuulka Gibiley, waxaana Iskuuladaas hadda dhigta 14,270 arday.

Sanadkii 1992-kii ilaa maanta, xafiiska wuxuu deeqo waxbarasho siiyay oo uu qarashka Iskuulka ka bixiyay 55,230 arday oo isugu jirta Agoon iyo kuwo ka dhashay qoysas danyar ah, wuxuuna Lacagta waxbarashada heerka koobaad ee Jaamacadda (Bachelor) ka dhiibay 513 arday oo Soomaaliyeed iyo 71-arday oo uu ka bixiyay qarashka waxbarashada heerka labaad ee Jaamacadda(Master+PhD).

Waxaa iyana xusid mudan in Hey’adda Dr. Al-Sumayd ay muqdisho ka furtay Jaamacadda SIMAD oo kamid ah Jaamacadaha ugu tayada fiican Soomaaliya.

Alle ha u na naxariisto Dr. Cabdiraxmaan Al-Sumayd, kadib sanado badan oo uu u adeegayay fuqarada Afrika wuxuu 2013-kii xanuun ugu geeriyooday dalka Kuwayt isaga oo 66-jir ah, wuxuusa weli ku noolyahay qalbiyada fuqarada Afrika iyo Musliminta Caalamka.

Tirakoobka Waxqabadka Hey’adda ee Soomaaliya waxaan kasoo xigtay Gudoomiyaha Faraceeda Soomaaliya Mr. Xasan Axmed Sh. Maxamed (Hassan Badawi). Xogta kalena waxaan kasoo xigtay bogga Tilifishinada Al-Jazeera iyo Al-Carabiya; iyo Maqaal uu Waxqabadkii Dr. Cabdiraxmaan Al-Samiid uu ka qoray Mr. Bill Gates oo ah Milkiilaha Shirkadda Microsoft.

In kaste oo aanan u abaal-gudi karin Dr. Al-Sumayd, ka gaabin meyno inaan u duceyno, ugana dayanno camalkiiaa wanaagsan, dadkana uga sheekeyno dadaalka iyo raadka fiican ee uu Caalamka uga tegay.

Qalinkii: Hussain Sabrie

Email: [email protected]

Previous Post

Guddoonka Aqalka Sare oo markale war ka soo saaray dagaalka Tukaraq

Next Post

Dufaanta Mekuku oo laga cabsi qabo inay gaadho Waddamo hor leh

Next Post
Dufaanta Mekuku oo laga cabsi qabo inay gaadho Waddamo hor leh

Dufaanta Mekuku oo laga cabsi qabo inay gaadho Waddamo hor leh

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In