Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dr Cabdiweli Gaas oo baaq u jeediyay ganacsatada Puntland “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Dr Cabdiweli Gaas oo baaq u jeediyay ganacsatada Puntland “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maanta ka qeyb galay xafladd xilka loogu wareejinayey Gudoonka cusub ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland ayaa ku booriyay in ay horumariyaan ganacsiga deegaannada Maamulka Puntland.

Munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta Jaamacadda Bariga Afrika ee magaalada Garoowe waxaa kaloo ka qeyb galay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey, Wasiiro, Xildhibaano katirsan Golaha wakiilada Maamulka Puntland, Ganacsato, Isimo , Waxgarad, culimo’udiin iyo marti sharaf kala duwan.

Related posts

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026

Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa u hambalyeeyey maamulka cusub ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland, isagoo ku booriyey in ay dadaal dheer u galaan sidii loo horumarin lahaa guud ahaan Ganacsiga deegaannada Puntland.

“Waxaanu u baahanahay inaanu isbadalno, adduunku maanta meesha uu marayo iyo waxa aan konton sano kahor aynu samaynjirnay inaan weli suubinayno isma qabanayso, horumarka aanu rabnana magaarayno, marka halagu dadaalo horumarinta ganacsiga” ayuu yiri Dr Gaas.

Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa ganacsatada ka dalbaday in ay la jaan qaadaan ganacsatada adduunka, waxaana uu tusaale u soo qaatay jidadka wadamada horumaray in ay dhisaan shirkado ay leeyihiin ganacsato, iyagoo aan wax mashruuca ku qaadan, balse markii ay dhameeyaan ay dib lacagta ka gashay uga qaadaan gawaarida isticmaasha waddooyinkaasi.

“Culimadu nagu diidi maayaane sakada aad sanadka bixisaan dawladda ku taageera, bal aan tijaabino halsano sakadeed aan garoon diyaradeed keliya ku dhisano, maxaa inoo diidaya mise cid gaar ah ayaa la siiya sakada” ayuu hadalka raaciyey Dr Gaas.
Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu dambeyn Ganacsatada Puntland ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan dagaalka adag ee ay kula jiraan burcad diimeedka Ururka Al-Shabaab, kuwaasi oo guulo waaweyn ay ka soo hoyeen ciidanka Puntland.
IMG_6599

IMG_6605

IMG_6615

IMG_6619

IMG_6622

IMG_6627

IMG_6630

IMG_6640

IMG_6642

IMG_6649

IMG_6654

IMG_6658

IMG_6661

IMG_6674

IMG_6682

IMG_6683

IMG_6686

IMG_6688

IMG_6703

IMG_6709

IMG_6715

IMG_6721

IMG_6728

IMG_6737

IMG_6748

IMG_6756

IMG_6763

IMG_6784

Previous Post

Akhriso:- Fursado shaqo oo ka banaan Wasaaradda Waxbarashada iyo barbaarinta

Next Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay weheliyaan hoggaanka sare ee hay’adda, ayaa ka...

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

January 31, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa maanta si...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Jamhuuriyadda dalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In