Monday, June 27, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dr Cabdiweli Gaas oo baaq u jeediyay ganacsatada Puntland “SAWIRRO”

January 11, 2015
in Wararka
0
Dr Cabdiweli Gaas oo baaq u jeediyay ganacsatada Puntland “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maanta ka qeyb galay xafladd xilka loogu wareejinayey Gudoonka cusub ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland ayaa ku booriyay in ay horumariyaan ganacsiga deegaannada Maamulka Puntland.

Munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta Jaamacadda Bariga Afrika ee magaalada Garoowe waxaa kaloo ka qeyb galay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey, Wasiiro, Xildhibaano katirsan Golaha wakiilada Maamulka Puntland, Ganacsato, Isimo , Waxgarad, culimo’udiin iyo marti sharaf kala duwan.

Related posts

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland oo gaaray dhoobley

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland oo gaaray dhoobley

June 26, 2022
Xafiiska Maamulka Gobalka Mudug oo dib u habbeyn lagu saneeyay “SAWIRRO”

Xafiiska Maamulka Gobalka Mudug oo dib u habbeyn lagu saneeyay “SAWIRRO”

June 26, 2022

Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa u hambalyeeyey maamulka cusub ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland, isagoo ku booriyey in ay dadaal dheer u galaan sidii loo horumarin lahaa guud ahaan Ganacsiga deegaannada Puntland.

“Waxaanu u baahanahay inaanu isbadalno, adduunku maanta meesha uu marayo iyo waxa aan konton sano kahor aynu samaynjirnay inaan weli suubinayno isma qabanayso, horumarka aanu rabnana magaarayno, marka halagu dadaalo horumarinta ganacsiga” ayuu yiri Dr Gaas.

Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa ganacsatada ka dalbaday in ay la jaan qaadaan ganacsatada adduunka, waxaana uu tusaale u soo qaatay jidadka wadamada horumaray in ay dhisaan shirkado ay leeyihiin ganacsato, iyagoo aan wax mashruuca ku qaadan, balse markii ay dhameeyaan ay dib lacagta ka gashay uga qaadaan gawaarida isticmaasha waddooyinkaasi.

“Culimadu nagu diidi maayaane sakada aad sanadka bixisaan dawladda ku taageera, bal aan tijaabino halsano sakadeed aan garoon diyaradeed keliya ku dhisano, maxaa inoo diidaya mise cid gaar ah ayaa la siiya sakada” ayuu hadalka raaciyey Dr Gaas.
Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu dambeyn Ganacsatada Puntland ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan dagaalka adag ee ay kula jiraan burcad diimeedka Ururka Al-Shabaab, kuwaasi oo guulo waaweyn ay ka soo hoyeen ciidanka Puntland.
IMG_6599

IMG_6605

IMG_6615

IMG_6619

IMG_6622

IMG_6627

IMG_6630

IMG_6640

IMG_6642

IMG_6649

IMG_6654

IMG_6658

IMG_6661

IMG_6674

IMG_6682

IMG_6683

IMG_6686

IMG_6688

IMG_6703

IMG_6709

IMG_6715

IMG_6721

IMG_6728

IMG_6737

IMG_6748

IMG_6756

IMG_6763

IMG_6784

Previous Post

Akhriso:- Fursado shaqo oo ka banaan Wasaaradda Waxbarashada iyo barbaarinta

Next Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland oo gaaray dhoobley

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland oo gaaray dhoobley

June 26, 2022
0

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe), ayaa maanta gaaray magaaladda Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo dhawaan...

Xafiiska Maamulka Gobalka Mudug oo dib u habbeyn lagu saneeyay “SAWIRRO”

Xafiiska Maamulka Gobalka Mudug oo dib u habbeyn lagu saneeyay “SAWIRRO”

June 26, 2022
0

Munaasabad lagu Daah furayay ka dib Dayactirka iyo Dib u haggaajinta Xarunta Maamulka Gobolka Mudug, Ayaa waxaa ka qeybgalay xubnaha...

Madaxda maamul goboleedyada dalka oo hambalyo ku aadan xuska 26-ka Juun u diray shacabka Soomaaliyeed

Madaxda maamul goboleedyada dalka oo hambalyo ku aadan xuska 26-ka Juun u diray shacabka Soomaaliyeed

June 26, 2022
0

Madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa si wadajir ah shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda xuska 26-ka Juun iyo guud ahaan xuska...

Guddoomiye Aadan Madoobe” 26-ka Juun, waxay shacabka Soomaaliyeed u tahay maalin weyn,”

Guddoomiye Aadan Madoobe” 26-ka Juun, waxay shacabka Soomaaliyeed u tahay maalin weyn,”

June 26, 2022
0

Guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa xalay ka qeyb galay munaasabadda xuska...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In