Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dr C/qaadir oo ka hadlay xanuunada Afka, baaqna u jeediyay bulshada Soomaaliyeed

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Dr C/qaadir oo ka hadlay xanuunada Afka, baaqna u jeediyay bulshada Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa bulshada uga digay waxyaabo badan oo halis ku ah caafimaadkooda oo ay ka midka yihiin, siliga gabdhuhu ay afka ku xirtaan, dhayalsiga cadayga iyo qataraha waxyaabaha macmacaanka ah ay u keenayaan caafimaadka qofka beni’aadamka.

Dr Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Xaaji Aadan oo ka mid ah dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee ka howlgasha magaalada Muqdisho, isla markaana marti ku ahaa barnaamijka weydii dhaqtarka oo ah barnaamij todobaadle ah, kana baxa Telefishinka iyo Idaacadda Qaranka ayaa sheekeeyay xanuunada ku dhaca Afka, gaar ahaan ciridka iyo ilkaha.

Related posts

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee  Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 26, 2026

Dhaqtarka ayaa bulshada uga digay inaysan dhayalsan cadayga oo uu ku sheegay inay ku jirto caafimaadka qofka, loona baahanyahay in xilliyada uu qofka seexanayo iyo marka uu soo kacayaba in uu cadeysto.

“Hadii ay dhaqan geliyaan hal xadiith, dhib badan maba ku dhaceen qofka, teeda kale cudurada ku dhaca ciridka ay sabab u tahay caday la’aanta, marka anigu waxaan kula talin lahaa inay cadeyga badiyaan xilliyada uu qofka jiifanayo iyo marka uu hurdada ka soo tooso” ayuu yiri dhaqtarka.

Dr Cabdiqaadir ayaa hoosta ka xariiqay in dadka ay u xiranyihiin siliga ama biraha lagu toosiyo ilkaha aysan isticmaali karin daawooyinka xanuun baabi’iyaha, taasi oo uu ku macneeyay in shaqadii ilkaha laga hayay ay istaageyso.

“Muddada ay birahan u xiranyihin waxaa haboon in qofka uusan isticmaalin xanuunin baabi’iye nuucuu doonee ha ahaato, waayo Ilkaha way isriixayaan, oo waxaa la rabaa in laf lafkale ku dhexjirta in booska laga wareeyiyo si loo toosiyo ilkaha, laakiin haddii inta qofka ay ugu jirto biraha uu isticmaalo xanuu baabi’iye way joogsaneynaa shaqadii laga hayay ilkaha” ayuu dhaqtar C/qaadir hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay.

Previous Post

Tacadiyada haweenka loo geysto oo looga hadlay kulan lagu qabtay Caabudwaaq

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee  Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 26, 2026
0

Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In